Shaqaalihi Idaacada Shabeelle Oo Xabsi Loo Taxaabay.

0

xabsi1-1Muqdisho (AGGM): Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa goor dhow gaari shabaqle ah ku guray shaqaalaha Idaacada Shabelle, kadib markii ay diideen in dhismaha idaacada ay ka baxaan.

Wararka ayaa sheegaya in ilaa 20-shaqaale oo rag iyo dumar isugu jiray ay ciidamada ku kaxeeyeen gaariga shabaqlaha ah, waxaana loo qaaday dhinata Xarunta dambi baarista ee CID.

Ciidamada dowladda ayaa hawada ka saaray Idaacada oo xilliga ay xoog ku galayeen hawada ku jirtay, isla markaana ciidamada ay qabeen amar ah in la xiro Idaacada.

Wasiirka Arrimaha gudaha ayaa dhowaan shan maalmood u qabtay in dhismaha idaacada uga guuraan, iyadoo mudadaas ay ku ekeyd maalinimadii shalay.

Maamulka Idaacada Shabelle ayaa ku dooday in sanadkii hore ay heshiis kala saxiixdeen Wasaarada Gaadiidka cirka iyo dhulka, isla markaana uu waqti uga dhiman yahay inay sii degenaadaan.

Ciidamada dowladda oo boqolaal gaaraya ayaa ku sugan banaanka Xarunta iyo gudaha, iyagoo gebi ahaanba la wareegay dhismaha Idaacada degeneyd oo ku dhow Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Idaacada Shabelle ayaa ka mid aheyd idaacadaha ugu afka dheer ee ka howl gala Muqdisho, iyadoo aanay ka gamban jirin wararka ka dhanka ah dowladda Soomaaliya oo idaacada laga sii deyn jiray.

Wixii ka soo kordha Warkan kala soco Allgalgaduud Media

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com