Minnesota (AGGM): Nin Soomaali ah oo lagu magacaabi jiray Cabdicasiis
Yuusuf Jaamac oo ka mid ahaa dhallinyarada ku nool gobolka Minnesota ee ay u badan tahay Soomaalida ku nool Mareykanka ayaa lagu dilay mid kalena waa lagu dhaawacay rasaas ay koox hubeysan ku furtay gaari ay dadkaas la socdeen.
Axmed Yuusuf Jaamac oo la dhashay Cabdicasiis ayaa wareysi uu siiyay laanta af-Soomaaliga ee VOA ku xaqiijiyay dhacdada.
Waxaa la sheegay in qofka kale ee rasaasta lagu dhaawacay uu soo gaaray dhaawac culus, isla markaana uu haatan ku jiro xaalad miyir-beel ah.
Booliiska ayaa sheegay inaysan cidna u soo qaban weerarka.
Dilkan ayaa noqonaya kii afaraad ee sanadkan dad Soomaali ahaa loogu gaystay Minnesota.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com