Dhagayso: Ciidamo Itoobiyaan Ah Oo Soo Gaaray Magaalada Baled-Xaawo Iyo Al Qaadi oo Ka Hadlay Dagaalki Shalay Dhacay.

0

top-newsBaled-Xaawo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Baled-Xaawo ee gobolka gedo ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidammo Itoobiyaan ah ay maanta soo gaareen duleedka magaalada Baled-Xaawo kuwaasoo sida la sheegay la yeelanaya kulammo madaxda magaaladaasi.

Magaalada Baled-Xaawo oo ku dhow xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa shalay ka dhacay dagaal u dhexeeya ciidammada dowladda Soomaaliya iyo kuwo taageersan Ahlusunna Waljamaaca oo magaaladaasi kuwada sugan.

Mas’uul ka tirsan maamulka magalaada Baled-Xaawo ayaa sheegay in ciidammadan oo aad u fara badan ay saldhig ka sameysteen duleedka magaalada, halkaasna ay kula shirayaan mas’uuliyiinta degmada si ay u qaboojiyaan xiisad dagaal oo ka taagnayd degmadaas tan iyo shalay.

Halkan Ka Dhagayso Warka ciidamada Itoobiya Ee Soo Gaaray Baled-Xaawo.

Maleeshiyaad taageera gudoomiyaha degmada Doolow iyo maamulka Ahlusunna ee degmada Baled-Xaawo ayaa dhowrkii toddobaad ee lasoo dhaafay waxay isku eedeynayeen qaraxyo iyo dilal ka dhacay gudaha degmadaas, kuwaasoo loo kala geystay mas’uuliyiin labada dhinac ka kala tirsan.

Shalay ayaa waxaa magaalada si lama filaan ah uga dhacay dagaal muddo socday kaasoo u dhexeeyay maleeshiyaadka taabacsan gudoomiyaha degmada Doolow iyo kuwa Ahlusunna, waxaana ku dhintay saddex qof oo labadii dhinac ah, dhowr kalena way ku dhaawacmeen.

Afhayeenka maamulka Ahlusunna ee gobollada Koonfureed, Sheekh Max’ed Xuseen Al-Qaaddi oo warbaahinta la hadlay isagoo ku sugan Baled-Xaawo ayaa sheegay in dagaalkii shalay uu ahaa mid ay soo abaabuleen xubno ka tirsan maamulka degmada Doolow ee isla gobolka Gedo.

Halkan Guji Kana Dhagayso Wareeysiga Sheekh Al Qaadi.

Isku soo wada duuboo Ciidamada Itoobiya oo dhowr jeer oo hore saldhigyo ka sameysay degmadaas ayaa isaga baxay, iyadoo soo laabashadoodan ay salka ku hayso dagaalkii shalay ka dhacay degmadaas, lamana oga inta ya halkaas ku sugnaan doonaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud @gmail.com