Al Shabaab Oo Wali Khatar Ku Ah Amaanka Magaalada Muqdisho Iyo Ciidamada Sirdoonka Oo Si Aad Ah U Foojigan.

0

top-Boqasho-newsMuqdisho (AGGM): Maryan Cusmaan ayaa dukaan dahabka lagu iibiyo ku lahayd Ceelasha Biyaha ilaa iyo May 2012-kii, markaas oo ay dukaankii xidhay ayna ka carartay markii ciidamada dagaalyahaniinta al-Shabaab iyo kuwa dawlada Soomaaliya ay halkaas ku dagaalameen si ay gacanta ugu dhigaan.

In kasta oo ciidamada dawlada iyo kuwa Howlgalka Midawga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ay awoodeen in ay Ceelasha Biyaha ka tirtiraan al-Shabaab isla bishaas, ayaa hal sano kadib, dad badan oo shacab ah ay sheegayaan in aysan awoodi karin in ay halkaas ku noqdaan sababo ammaan xumida la xidhiidha dartood.

Maryan, oo 50 jir ah, oo codsatay in ay magac maldahan ay isticmaasho cabsi ay ka qabto in ay al-Shabaab ka aargoostaan darteed, ayaa hadda ku nool degmada Hodan ee Muqdisho, laakiinse waxay sheegaysaa in xaaladdu aysan dagananayn si ay ganacsigeedii dib ugu furto.

“Nafteenna kuma aamini karno in aan halkaas ganacsi u aadno sababta oo ah dagaalka ayaa mar walba qarxi kara, iyada oo al-Shabaab aysan halkaas ka fogayn hawlgalana ay ka samayn karto mar walba,” ayay u sheegtay Sabahi.

Ceelasha Biyaha ayaa ku taala waqooyiga galbeed ee Muqdisho iyada oo ka tirsan magaalada Lafoole ee gobalka Shabeelada Dhaxe.

“Dhibaatooyinka gobalka ka jira waxaa ka mid ah weerarrada gaadmada ah ee ay al-Shabaab iyo xagjirinta al-Shabaab ee dadka ku dhex qarsoon,” ayay tiri Maryan.

Weerar caynkan oo kale ah oo dhawaan dhacay ayaa la qaaday bishan October 14-keedii, markii dagaalyahaniinta al-Shabaab ay ciidamada dawlada iyo kuwa huwanta ay dagaalamayeen dhawr saacadood.

“Koox 20-tameeyo dagaalyahanno al-Shabaab ah ayaa Jasiira naga soo weeraray,” ayuu Guddoomiyaha magaalada Lafoole Ibraahim Geedi u sheegay Sabahi. “Waxaa noo suuragashay in aan is difaacno wax dhib ahna nama soo gaadhin, laakiinse ma ogin in iyagu dhibaato soo gaadhay iyo in kale.”

Geedi ayaa sheegay in degmadiisu ay wali baylah u tahay weerarrada argagixiso, walina xukuumadda fedaraalka ah uma aysan soo dirin booliis xoojin ah si ammaanka Lafoole loo xoojiyo.

Isla mar ahaantaas, ayay dagaalyahannada al-Shabaab waxa u suuragashay in ay shacabka isku dhax qariyaan, ayuu yidhi.

“Ciidamo milatari ah oo kaliyaa ayaa halkan jooga, mana awoodi karaan in ay dadka dhex galaan oo al-Shabaab meesha ka saaraan sababta oo ah shaqadooda ma aha,” ayuu yiri Gedi. “Millatariga ayaa halkan u shaqeeya sida bilayska oo kale. Taasina xal ma aha, sidaas darteed xukuumaddu waa in ay booliis halkan keento.”
Khatar wali ka jirta Banaadir

Dadka ku nool Yaaqshid, Hiliwaa iyoDayniile – oo ah saddex degmo oo gobalka Banaadir ah oo sidoo kale sannadkii hore laga xoreeyay gacanta al-Shabaab — ayaa cabsi taas la mid ah sheegtay arimo la xidhiidha amaankooda, markii la fiiriyo khatarta ay ku hayaan maleeshiyaadkaas.

“Ciidamada amaanka iyo booliiskuba halkan kama shaqeeyaan saldhigna kuma laha [degmada] si loola xidhiidho,” ayay tiri Farxiya Cabdi oo 43 jir ah oo ku nool degamada Dayniile. “Waxaan u bahaannahay ciidan booliis in aaggan la keeno si ay ammaanka u sugaan.”

In kasta oo aaggan al-Shabaab laga xoreeyay, ayaa haddana aysan lahayn deganaanshaha ay ku naalloonayaan meelaha kale ee Banaadir ka tirsan ee ay xukuumaddu gacanta ku hayso, ayuu sheegay Xuseen Gacal oo 25 jir ah kuna nool degamada Dayniile.

“Dadka dawlada u shaqeeya sida xildhibanaada oo kale, halkan kuma noola sababta oo ah waxay u baqayaan ammaankooda,” ayuu u sheegay Sabahi.

Labadii bilood ee la soo dhaafay, ayay ciidamada dawlada bilaabeen in ay ka baxaan xarumahooda qaarkood oo ay sannadkii hore al-Shabaab ka qabsadeen, iyada oo ay shacabka mar kale u baylihiyay argagixisada, ayay tiri Faadumo Xirsi oo 26 jir ah deggan Yaaqshiid.

Joogitaanka al-Shabaab ee xaafadda gubta ee Yaaqshiid ayaa ku soo kordhay illaa iyo heer ay gaartay in xagjiriintu si cad u toogtaan dadka, sida ay sheegen dadka degaanka.

“Waxaan aragnaa al-Shabaab oo halkan hawlo ka wada. Halkan ayay dad ku dilaan wax alla waxa ay doonayaana sameeyaan,” ayuu Sheekh Cabdullahi oo 66 jir ah u sheegay Sabahi. “Laba bilood ka hor nin dhallin yaro ah oo dukaan haysta u yimaadeen kuna amreen in uu xiro dukaankiisa bannaankana u soo baxo. Kadibna dukaankiisa hortiisa ayay ku dileen mana jirin qof u soo baxay in uu gacan siiyo.
Ciidamada sirdoonka oo heegan ku jira

Afhayeenka maamul gobolka Banaadir Maxamed Yuusuf Cusmaan ayaa u sheegay Sabahi ay ciidamo dhar cad ah geeyeen degmooyinkaas si ay u sugaan ammaan aagaggaas halkii ay dadka dhexdiisa ka geeyn lahaayeen ciidan millatari ah oo hubeeysan.

Wuxuu sheegay in ay ciidamo sirdoon ah oo ku filan ay xaafadahaas joogaan si ay ammaanka u sugaan.

“Dadku ma oga in ay ciidamo sirdoon [ay joogaan] [xaafadaha] sababta oo ah ammaanka ayay si hoose ku ilaaliyaan, laakiinse kama aanan tagin,” ayuu yiri Cusmaan. “Ciidamada sirdoonka ayaa xaafadaha ku nool sida dadka shacabka oo kale. Dukaamo ayay leeyihiin [si hoosana way u shaqeeyaan] si ay ammaanka u sugaan, waxaana jira qorshe ammaan ilaalin ah oo aan aaggaas amaankooda ku sugayno.”

Cusmaan ayaa sheegay in xarumaha ciidamada milatariga ah la geeyay aag ka baxsan meelaha ay dadku daggan yihiin kadib markii ay dadku ka cawdeen ciidamada ku dhax nool.

“Waxaan ciidamada gaynay xarumo gooni ah si aysan xaafadaha dadku dagan yahay aysan u dhax joogin kadib markii uu dadwaynuhu arintaas naga codsadeen,” ayuu yidhi

Waxaa jira qawlaysato xaafadaha ku dhex nool oo iska dhigaya in ay qayb ka yihiin al-Shabaab si ay dadka u cabsiiyaan, ayuu yiri Cusmaan. Booliiska ayaa qaarkood qabtay, laakiinse wali wax danbiyo waawayn ah oo lagu soo eedeeyay ma jiraan.

“Waxbaan barnaa waanan dhaqan-celinnaa maaddaama aan wax danbi wayn ah lagu helin,” ayuu yidhi.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com