Maxuu Salka Ku Hayaa Dagaalka BaledXaawo.W/Q Cabdulaahi Cali Saneey

0

maqaalMaxaad kala socotaa Humbaaleeynta iyo dagaalka goos gooska ah ee ka maalmahan ka socday magaalada BaledXaawo ee gobolka Gedo.

Akhristoow hadaan Tooshwayn idiinku ifiyo Humbaaleeynta iyo Dagaalka goos gooska ah ee todobaadyada ka socday magaalada BaledXaawo ayaa waxa ay salka ku hayaa sadex arrimood oo uu ka dambeeyo gudoomiyaha degmada Doloow Cabdirashiid Janan oo inta uu noqon Gudoomiyaha ahaan jirey dagaal ooge ka tirsanaa ururki kal hore burburay ee Al Itixaad.

Maxuu ku saleeysan yahay dagaalka Cabdirashiid Janan?

1- Sida aad la socotaan dhawaan ayay ahayd marki Sheekh Maxamed Awlibaax oo ah gudoomiyaha Ahlusuna Gobolada Koonfur Galbeed kana mid ahaa saxiixayaashi Roadmap-ka, islmarkaana ka mid noqday xubnihi saxiixayaasha Jubbaland markii uu isagoo ku sugan magaalada Muqdisho uu sheegay in aan magaalada Kismaayo lagu qaban karin wejiga labaad ee shirka dib u heshiisiinta Jubbooyinka amaana aysan ahayn loona baahan yahay in shirka Dib u Heshiisiinta Jubbooynka wejigiisa labaad lagu qabto gobolka Gedo maadaama ay Nabad leeysku haleen karo ka jirto, ayaa waxaa Gudoomiyaha degmada Doolow loo soo adeegsaday in uu ka dhigo gobolka Gedo goob aan Nabad ahayn si’aan shirweeynaha Dib u Heshiisiinta wejigiisa labaad loogu qaban Gobolka.

2- Bilihi u dambeeyay madaamada ay Nabad ka soo iftay qaar kamid ah degmooyinka Gobolka Gedo ayaa waxaa magaalada BaledXaawo si xoowli ah uga biloowday in Hay’adihi samafalka xafiisyo ka furtaan noloshi iyo nabadi maqneedna ay soo curato, halka awal gobolka ay hay’addaha ay ka hoowl gali jireen oo qura degmada Doolow, halkaa soo uu Cabdirashiid Janan ku dhiig miiran jiray xaqa iyo xuquuqda deegaanada kale ee gobolka Gedo.

3- Gudoomiye Cabdirashiid Janan dadka gobolka Gedo daga waxa uu ka galay dambiyo isugu jira Dil bareer ah iyo dilala qorsheesan oo uu fuliyay markii uu ahaa Al Itaxaadka iyo hadda oo uu yahay Gudoomiye degmo, sidaa awgeedna ma uu doonayo in gobolka uu noqdo amaba helo Nabad iyo kala dambeeyn haddii Nabad iyo kala Dambeeyn uu gobolka helo Cabdirashiid Janan waxa uu ogyahay in lala xisaabatamayo, marka waxa uu ku dadaalayaa mar walba inaan Nabad iyo xasilooni helin gobolka Gedo.

Shacabka ku nool degmada Doolow umma afduubnaanayaan Cabdirashiid Janan, isagoo gabaad ka dhiganaya Itoobiyaan xiriir la leeyahay, dadka gobolka Gedo waa inay tilaabo cad ka qaadaan wiilkan beenta isu sheegay.

Dhinaca kale waa in Dowladda Soomaaliya ay si deg deg ah xilka uga qaadaa Cabdirashiid Janan unna soo magacoowdaa Xilka nimaan dadka dambi ka galin, aqoona leh kana soo jeeda degmada Dooloow, waana in ay Dowladda gudi baara dambiyada ka dhacay gobolka oo ka socda Wasaarada Arrimaha Gudaha, Wasaarada Garsoorka iyo Wasaarada Gaashaandhiga u soo dirtaa Gobolka Gedo si ay u baaraan dambiyada uu galay gudoomiyaha Degmada Doolow Cabdirashiid Janan.

Gabagabadi waxaan baaq u dirayaa dhamaan shacabka gobolka Gedo, waa inaad fahantaa dnatiinuw axa ay ku jirtaa inaad ilaashataan Nabadiina iyo Midnamadiina kana hortagtaan shaqsiyaadka lamidka ah Cabdirashiid Janan ee ku naaxay Dhiiga caruurtiina iyo dhaqaalaha canshuurta aad u bixisaan.

Wa Bilaahi Towfiiq

Cabdulaahi Cali Saneey
Baledxaawo, Soomaaliya

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com