Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni Oo Baaritaan Ka Wada Xaafaddo Ka Tirsan Magaalada Kismaayo.

0

Ciidamo-KismaayoKismaayo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in maleeshiyo beeleedka Raaskambooni baaritaanno xoogan ka wadaa xaafaddo ka tirsan degmada, kadib markii xalay weerar loo adeegsaday Bam lagu qaaday saldhig ay ku sugnaayeen maleeshiyo beeleedkaasi.

Dad ku suganaa xaafadda uu qaraxaan ka dhacay oo lahadlay warbaahinta ayaa sheegay inuu maqlayay dhawaqa qaraxa oo ahaa nooca gacanta laga turo,waxana uu inta uu ku daray in qaraxa ka dib lamaqlayey rasaas xooggan oo ay ridayeen ciidamada goobta ku sugna.

Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni ayaa la sheegay in dhinacooda ay wadaana baaritaano ay ku baadi goobayen ciida ka danbeysa qaraxa oo ahaa kuwa gacanta laga turo.

Magaalada Kismaayo tan iyo markii laga saaray falaagada Al-shabaab waxaa isoo tarayey qaraxo kala gadisan oo ka dhacay guddaha Kismaayo,waxana inta badan qaraxa yadda Kismaayo ka dhaca ay yihiin kuwo horey loo aasay oo badanaa lagu tuho inay aaseen maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni.

Isku soo wada duuboo xiligan waxaa la oran karaa magaalada Kismaayo ayaa waxa ay tahay magaalo si ba’an loogu geeystodadka rayidka ah tacadiyo isugu jira dilal bareer ah, dilal qorsheesan, jirdil, kufsi, barakicin iyo dhac baahsan oo loo geeysto hantida shacabka iyo ganacsatada.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com