Waxaa laga yaabaa in ay dad badan iswaydiinayaan halka uu ku danbeeyay ururkii SAHAL ee aadka u sharqanta dheeraa. Hadii aad kamid tahay dadka su’aashaas qaba hase yeeshee ay kugu qaloocantahay in aad heshid jawaabta meeshuu ku danbeeyay ururkii SAHAL raq iyo ruuxba waxaan isku dayayaa in aan kugu caawiyo in aad wax badan ka ogaatid halkii uu sida rasmiga ah ugu danbeeyay SAHAL.
Ururkii SAHAL wuxuu isku badalay urur dhowr bilood kahor looga dhawaaqay magaalada Nairobi oo loogu waqlalay magaca ” Badbaadinta Qaranka”.
Ururkan ayaa magaca kasoo qardeystay xukuumadii Badbaado Qaran ee musuqmaasuqa ku caanbaxday oo uu hogaamin jiray Cabdiwali Maxamed Gaas oo hada ah halbowlaha ururkan cusub.
Ururka SAHAL/BADBAADINTA QARANKA ayaa waxaa iska diwaan galiyay dibadmeeryo siyaasada horay ugu soo fashilmay loogana adkaaday oo ay kamid yihiin qoomkaan hoos ku taxan.
1, Madaxweynihii hore, Shariif Sh. Axmed. Shariif waa xubin qarsoon maadaama uu yahay “Nin dalkii iyo dadkii uu hogaamin jiray dib ugu soo jeestay hagardaamadooda”.
2, Maxamed Cabdi Gaandi. Waa xubin horay SAHAL oga tirsaneyd.
3, Cabdiwali Gaas. Xubin hore oo qarsoonaa, SAHAL.
4, Cabdiraxmaan Baadiyow. Xubin cusub.
5, Shariif Xasan Sh Aadan (Sakiin). Qorshuhu wuxuu ahaa Shariif Sakiin in la qariyo laakiin Cali Khaliif baa ku tacadiyay.
6, Sheekh Maxamed Yaasuf Awlibaax. Awlibaax dhawaanbuu iskaga baxay ururka wuuna kasoo horjeestay.
7, Cumar Cabdirashiid. Xubin hore, SAHAL.
8, Cali Maxamed Geedi. Isdiwaan galiye cusub. Xubin aad u firfircoon. Cali waxaa si fiican wax ugu sharxay Cabdiwali Gaas oo wata Jaajaale Pro Togane.
9, Cabdiraxmaan Faroole. Xubin hore, SAHAL.
10, Yuusuf Garaad. Xubin cusub. Yuusuf markuu ku soo hungoobay xil ka qabashada nidaamka/Dawlada cusub wuxuu xooga saaray baadi goobida xizbi mucaarad ah oo uu ku biiro iyo qorista maqaalo uu ku muujinayo inuu yahay mucaarad shaqo tag ah.
11, Ismaaciil Hurre Buubaa. Xubin cusub oo qarsoon. Buubaa ururka wuu ku jiraa wuuna jiraa.
12, Cabdiwahaab Khaliif Ugaas. Xubin hore, SAHAL
Xubnahaan iyo kuwa kale oo aan si joogto ah xiriirka ururka oga qeybgalin sida Cabdisamad Macallin Maxamuud, Darwiish, iyo Macallin Ibraahim, waxay ku bahoobeen burburinta nidaamka hada dalka ka jira ee ay hogaaminayaan, Md. Xasan Sh. Maxamuud, Md. Saacid Faarax iyo Md. Maxamed Sh C. Jawaari. Inkastoo Ururkii SAHAL laga badalay magicii lookalka ahaa loona badalay mid mideyn kara sharwadayaal faro badan, hadana mabda’a iyo doonta uu ku guurayo iyo naakhuudayaasha wada waa isla halkii oo waxba iskama badalin. Kaliya waxaa kusoo kordhay xubno ay dantoodu waafaqday dantii uu xambaarsanaa ururkii sharka badnaa ee SAHAL.
AJENDAYAASHA AY HIGSANAYAAN SAHAL/BADBAADINTA QARANKA.
Ururku wuxuu higsanayaa in uu xubnihiisa ku hubsado xilalka siyaasadeed ee muhiimka ah isagoo isla markaasna burburinaya nidaam iyo maamul kasta oo aysan xubnihiisu ka dhex muuqan. Boosaska siyaasadeed ee ay hada xooga saarayaan si ay xubnohoodu uga muuqdaan iyo xubnaha loo galbinayaba waxaa kamid ah kuwan;
• Maxamed Cabdi Gaandi waxaa loo barraxayaa loona galbinayaa Jubaland iyo siduu ku hanan lahaa cududda iyo coodka Jubaland waxaana dadaal loogu jiraa sidii uu ururku isaga horwareejin lahaa Axmed Maxamed, Madoobe, islamarkaasna uu isaga xannibi lahaa siyaasiyiinta reer Jubaland ee dawlada taageersan. Sadexda xubnood Cali Khaliif, Cali Geedi, iyo Cumar Sharmake oo dhawaan uu ururku Nairobi kasoo diray iyo taageerayaashooda gudaha ku sugan sida Macallin Ibrahim iyo Xil. Shuuriye ayaa iska kaashanaya sidii arrintaas loo hirgalin lahaa.
• Cabdiwali Gaas iyo Cabdiraxmaan Faroole oo la rabo in midkood lagu hubsado hogaaminta maamulka waqooyi Bari, Puntland.
La soco: Dad badan waxay aaminsanyihiin in uu jiro khilaaf u dhexeeya Gaas iyo Faroole. Sidaas maahan xaqiiqdu. Faroole iyo Gaas waa dadka isugu dhow waxayna ciyaarayaan siyaasad-beeleed ay rabaan inay ku gaaraan danaha qoyskooda iyo tooda siyaasadeedba iyagoo islamarkaasna beelaha wax la wadaaga u muujinaya khilaaf aan sal iyo raad laheyn.
Siyaasad-beeleedkaan horay waxay dhowr goor ugu gaareen danaha qoyskooda iyagoo muujinaya khilaaf aan jirin. Tusaale ahaan, 2011 markii Gaas la keenay xafiiska Raysal Wasaaraha, qofkii ugu horreeyay oo safarkiisii ugu horreeyay uu Nairobi kula kulmay waxuu ahaa Faroole. Waxay isla meeldhigeen inay ciyaaraan Siyaasad-beeleedka ah in la muujiyo khilaaf aan jirin oo u dhexeeya dawlada iyo maamul-goboleedka si uu Raysal Wasaaruhu fursado badan ugu helo inuu gobolka qoyskiisa u gacan-bidixeeyo isagoo ku raadgadanaya “Xal” u helida iyo “xallinta khilaafka” u dhexeeya Dawlada Dhexe iyo Maamulka Puntland.
Abuurida khilaafkii huuhaada ahaa wuxuu dhaliyay inuu Madaxweyihii hore Shariif Sh. Axmed u bishintuuro tagida Puntland oo markii hore lagu kari waayay inuu bookhdo kuna gacan sayray casuumado isdaba joog ah oo oga yimid Puntland. Wuxuu sidoo kale dhaliyay in shir qorshihiisu ahaa in lagu dhameystiro caasimada dalka loo wareejiyo degmada Garowe maadaama la wanaajinayo “Wadashaqeynta”, laguna turxaan bixinayo “Khilaafaadka” iyo “Madmadowga” u dhexeeya Dawlada Dhexe iyo Maamulka Puntland.
2012dii waxaa si taas la mid ah si huuhaa ah loo handaday ciidda Puntlandna looga “cayriyay” Cabdiwali Cali Gaas si loo quusiyo jifooyinka, jilibyada iyo shaqsiyaadka aan qoyska dhow aheyn ee leh hamiga siyaasadeed iyo kan dhaqaale ee ku dhaqan ciida Puntland.
Sidaas daraadeed, khilaaf-beenaadka iyo tartanka aan jirin ee u dhexeeya Gaas iyo Faroole waa mid looga gol leeyahay in qoysku ku ilaashado saldano-xafiiseedka Puntland iyadoo islamarkaasna beelaha kale ee wax la wadaaga laga ilaalinayo qalbijabka iyo waliba hunguri ka gala qabashada hogaanka.
• Waxaa kamid ah ajendaha Ururka SAHAl/BURBURIN QARAN, kala dhilqinta sadexda hay’adood ee ugu sarreysa dalka. Ururku waxay higsanayaan yoolkooda ugu horreeyana uu yahay hanashada xubno badan oo Baarlamaanka kamid ah si marka hore loo burburiyo hay’ada xukuumada taasoo ay qiyaasayaan inay fududeyn doonto hanashada xafiiska Gudoomiyaha Baarlamaanka, hanashada xafiiska Raysal Wasaaraha, iyo ka takhalusida nidaamka hada jira si markale kow wax looga soo bilaabo.
• Ku hubsashada xubnohooda in ay xilal ka helaan maamullada dhawaan dhismi doona sida,Hiiraan, Galgaduud, Mudug, Bay, Sh. Dhexe iwm. Galgaduud wuxuu ururku u xilsaartay Cabdisamad M. Maxamuud iyo Yuusuf Garaad si ay u xaqiijiyaan in cid iyaga gacansaar la leh ay xil muhiim ah ka qabato.
FALALKA AY FULIYEEN AMA DHICISOOBAY.
• Ku daridda maamulkii Khaatumo la oranjiray lagu daray maamulka Puntland. Inkasta oo siyaasiyiinta iyo shacabka arrintaas kasoo horjeeda la luudinayo si si tartiib ah oo siman quluubtooda loo xawilo, ayaa hadana Ururka Iyo Pro Cali Khaliif oo Khaatumo matalaya waxay islameeldhigeen in aysan Khaatumo noqon karin maamul kaligiis taagan sidaas daraadeedna lagu laro Puntland oo ay markii hore ka tirsanaayeen. Wuxuu sidoo kale Ururku waanwaan ka dhexwadaa sidii ay Puntland iyo Somaliland isugu fahmi lahaayeen deegaanada u dhexeeya ee ay isku hayaan oo ay kamid tahay Laascaano.
• Mooshinkii dhicisoobay ee laga keenay Raysal Wasaaraha Soomaaliya Md. Cabdi Faarax Shiirdoon. Xildhibaanada mooshinka keenay waxay ahaayeen kuwo hab qabiil u abaabulan oo ay isku soo dubarrideen Cabdiwali Gaas iyo Shariif Xasan Sh. Aadan.
La soco: Abaabulka Mooshinka ayaa ka horreeyay ururka ku dhawaaqidiisa. Mabda’a ururka iyo xiriirka hoose ee xubnaha qaarkood ka dhexeeyay waa qadiimi. Ku dhawaaqida ururku waxay timid markii xiqdiga iyo xumaanta xubnuhu u hayaan dawlada ay kulmeen iskuna Xididaysteen.
• Kala jabinta jabhada Raaskanbooni iyo liijliijinta Axmed Madoobe. Maadaama uu ururku rabo in uu Prof Gaandi ku hubsado hogaamiyanimada Jubaland Kenyana ay sidaas ku faraxsantahay, waxay ururku u qalabqaateen sidii Axmed Madoobe looga horkeeni lahaa nin la jifo ah oo la loolama lana ruqi kara jabhada Madoobe taageersan. Way ku guuleysteen ururku arrintaas qayb kamid ah waxaana uu hada loolan ka dhex socdaa xubnaha wada hogaamiya Jabhada R. Kanbooni waxayna kamid tahay asbaabaha keenay in awrka caynkiisu uu dhinaca kale u wareego oo uu Axmed Madoobe wada shaqeyn rasmi ah la bilaabo Col Barre Aadan Shire, Hiiraale iyo dawlada isagoo islamarkaasna si taxadar leh oga maadanaya labada dhanba, dhinaca Dawlada iyo dhinaca Jabhada ka fallaagooday.
AAWAY KUWII QAYLADA BADNAA EE LONDON JOOGAY?
Sida aan maqaal hore ku sheegay, (Waa kuma ururka “SAHAL”?), qoomkii kharibnaa ee London ka qaylin jiray shaqada loo diray waxay aheyd “Isku dirka iyo kala geynta qabaa’illada” oo looga gol lahaa in dawlada lagu burburiyo. Way ku guuleysteen in ay abuuraan qabyaalad iyo jawi ah Anaga iyo Ayaga ilaa qoraal kasta iyo hadal kasta oo soomaali qorto ama dhahdo si qoto dheer looga dhadhamiyo qabyaaladda. Ma inkirayo in ay horay qabyaaladu u jirtay laakiin iyagu way nafaqeeyeen oo naaxnaaxiyeen ilaa ay qabyaaladu dadka quluubtooda si fiican ugu wada duxdo.
Waxaa dhab ah in Inta badan qoomka SAHAL shartoodii ay ku dhex baahday bulshada afsoomaaliga ku hadasha. Nasiib-wanaagse dadaalkii SAHAL laguma gaarin hadafkii sharkaba loo abuuray ee ahaa in dawladu dillaanto. Sidaas daraadeed, qoomkii SAHAL sameystay waxay doorbideen inay qaab kale u wajahaan hadaf-shareedkooda, kuwii wajiyada xumaa ee SAHAL u qaabilsanaa dhinaca qayladana waa la aamusiyay. Waxay shaqadoodii u gudubtay madaxyo-weyn iyaga ka shar badan, siday hawsha u qaban jireen si ka gadisanna u qabanaya. Booskii Gudoomiyhii SAHAL, Cabdirashiid waxaa buuxiyay Cali Maxamed Geedi, Booskii G. ku xigeenka, Cabdullaahi waxaa buuxiyay Cali Khaliif Galeyr, Booskii Cabdirashiidka kale waxaa la wareegay Cabdiwali Gaas, waad fahamtay naqshadaan filayaa.
Ugu danbeyntii, Ururkii SAHAL ee sharta badnaa wuxuu u doob-dillaacsaday ururkii dhawaan lagu sameeyay magaalada Nairobi ee loogu waqlalay magaca Badbaadinta-Qaranka inkastoo uu yahay Burburin Qaran. Waa urur ka sharbadan kii hore, ka baaxad weyn, kana caalamisan oo loo baahanyahay in umadda soomaaliyeed iyo qabiilooyinku ka feejignaadaan ishana ku hayaan xubnihiisa, xarakadooda, iyo xarumohoodaba.
Cabdinaasir C. Hangash (Haad)
luqyare@yahoo.com
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com