Muqdisho (AGGM): Wakiilka gaarka ah ee midowga afrika u qaabilsan soomaaliya,ahna madaxa AMISOM Ambassador Mahamat Saleh Annadif ayaa cambaareeyay qaraxii shalay lagu xasuuqay dad shacab ah ku sugnaa maqaayad ku taala bartamaha magaalada b/weyne ee xarunta gobolka hiiraan.
Ambassador Annadif ayaa sheegay in kuwa ka danbeeyay qaraxaasi fulaynimada ah,minca daradana ah in ay carqaladeeyaan horumarka la taaban karo ee ka dhacay soomaaliya bilihii la soo dhaafay,isagoo sheegay in aan la aqbali karin weerarada ka dhanka ah shacabka aan waxbo galabsan.
“Waxaan rabaa in aan ku celiyo sida ay uga go,antahay midowga afrika iyo AMISOM caawinta dowlada federaalka ah ee soomaaliya iyo ciidamadeeda ammaanka si ay gacanta ugu dhigaan ammaanka dalka,AMISOM waxa ay sii wadi doontaa in ay shacabka soomaaliyeed ku garab istaagto dadaalka ay ku doonayaan in ay ku helaan nabad waarta”Ayuu yiri ambassador Annadif.
Wakiilka gaarka ah ee midowga afrika u qaabilsan soomaaliya Ambassador Mahamat Saleh Annadif ayaa tacsi u diray qoysaskii ay eheladooda ku geeriyoodeen qaraxaasi,isagoo caafimaad deg deg ah u rajeeyay dadkii ku dhaawacmay.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com