Dowladda Oo Diyaarad U Dirtay Soo Qaada Dadka Dhaawacyada Ka Soo Gaareen Qaraxii Ka Dhacay Magaalada Baladweyne.

0

top-newsMuqdisho (AGGM): Dowladda Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa diyaarad u dirtay magaalada Beledweyn, kadib weerar ismiidaamin ah oo dad badan ku dhinteen kuwo kalena ku dhaawacmeen oo maanta ka dhacay.

Xildhibaan Dahir Amiin Jeesow oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka ee ku sugan Beledweyn ayaa ka deyriyay dhaawacyada qaar, isagoo sheegay in Isbitaalka magaalada ay ka jirto daawo yari, isla markaana ay mar hore isaga baxday Hey’addii gacanta ku heysay.

Saraakiil ka tirsan Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay Diyaarad u soo dirtay, si dhaawacyada xaaladooda wax looga qaban waayo loo qaado magaalada Muqdisho.

Ilaa 33-ruux ayaa ku dhaawacmay qaraxii ismiidaaminta ee uu maanta fuliyay ruux naftii hure ah maqaaxi ku taal bariga magaalada Beledweyn, iyadoo goor dhow lagu wado in dhaawacyada loo soo duuliyo Muqdisho.

Inta la og yahay 16-ruux ayaa ku dhintay weerarkii ismiidaaminta, kuwaasoo ay ku jiraan sida la sheegay Ciidamo.

Isku soo wada duuboo xaalada magaalada Beledweyn ayaa aad u kacsan, iyadoo ciidamada dowladda iyo kuwa Jabuuti ay sugayaan ammaanka, isla markaana soo buuxiyay meelaha muhiimka ah sida xarumaha maamulka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com