Cape Town (AGGM): Dhibaatooyinka ay la kulmaan Somalida ganacsiga ku leh dalka Koonfur Africa ayaa waxay u muuqdaan kuwo markii la is yiraahdo waa yaraadeen mar kale dib u soo cusboonaada.
Magaalada Cape town ayaa waxa lagu dilay muwaadin Somaliyeed oo ka mid ahaa ganacsatada Tuulada Khaliitsha waxaana Marxuumka la dilay lagu magacaabi jiray Axmed Xasan Yuusuf isagoo baabuur watay ayaana lagu khaarajiyey magaaladaasi.
Caraboow Cabdulle Gees-diir oo ka mid ah ganacsatada Somaliyeed ee Cape town degan ayaa warbaahinta u sheegay inay aad uga cabanayaan beegsiga lagu hayo ganacsatada Somaliyeed.
Sidoo kale Ganacsatada magaalada Cape town ayaa sheegay inay Dawlada K/Africa aysan waxba ka qaban cabashada ay gudbiyaan qofkii la dilana la iska soo duugo kaliya. Dhinaca kale doraad ayay aheyd markii labo gabdhood oo aan qaan gaari ay tooreey ku dileen ka dibna meydkooda lagu arkay dalkaasi. Arrintaasna waxay cabsi ku sii beertay Soomaalida ku nool dalkaasi Koonfur Afrika.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com