Kampala (AGGM): Safaaradda Maraykanka ee dalka Uganda ayaa ka digtay in Xarakadda Al-Shabab ay weerar la mid ah kii ay geysteen bishii hore magaalada Nairobi inay ka dhacaan wadanka Uganda gaar ahaan magaalada caasimada ah ee Kampala.
War kooban oo lagu qoray bogga internetka ee safaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in xog ay safaaradu heshay ay sheegayso in xubno ka tirsan hogaanka Al-Shabab ay maleegeen oo ay diyaariyeen weerar la mid ah kii ka dhacay suuqa Westgate bishii hore,waxaana ay safaaraddu u jeedisay hay’adaha amaanka wadanka Uganda inay feejignaan muujiyaan.
Dadka u dhashay dalka Maraykanka ee Uganda jooga ayaa loogu baaqay inaysan tagin goobaha lagu kulmo safaaradana la xariiraan.
Afhayeen u hadlay waaxda arrimaha dibbadda Maraykanka oo la yiraahdo Jen Psaki in xog lagu kalsoonaan karo ay ka heleen gudaha Soomaaliya sida uu yiri. Maraykanku dhawr jeer ooh ore ayuu ka digay weeraro Shababku ka geystaan wadamada gobolka.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com