Ciidamada Bada Maraykanka Oo Badbaadiyay Tahriibayaal Doonidi Siday Ku Degtay Xeebta Malta.

0

tahriibayaalMuqdisho (AGGM): Ciidamada Bada Dalka Maraykanka ayaa lagu soo waramayaa in ay bad baadiyeen Dooni dad tahriibayaal ah kula degtay Xeebta Jasiirada Malta sida sargaal Ciidamada Bada Maraykanka u sheegay Wakaalada Wararka Faransiiska AP.

Waxa uu sheegay sargaalkaa in Doontaa ku degtay Xeebtaa Jasiirada Malta  waday muhaajariin africaan ah kuwaas oo gaarayay 200 ruux waxa uu sheegay in ciidamada Bada Maraykanka  Bad baadiyeen waxaana  la gaarsiiyay Xeebta Malta.

Xukuumada Dalka Malta ayaa dalbatay in la xakameeyo dadka socotada ah ee sharcidarada ku soo galaya Qaarada Yurub waxana socda daaalo Dowlada Talyaaniga wado oo la xariira in la sameeyo Ciidamada ilaaliya Xeebaha Dalka Talyaaniga si tahriibtaa looga hortago.

Ku dhawaad 12 kun oo Tahriibayaal ah oo africaan ah ayaa gaaray sanadkaan oo kaliya Jasiirada Malta waxaana Dowlada Malta la ciir ciiraysaa Samaynta dadkaan oo ay sheegeen in ay ka bateen dadka Jasiiradaa ku nool ee dalkaa ka soo jeeda.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com