Dubai (AGGM): Waxaa weli si xoowli ah uga socda magaalada Kismaayo dhoofinta dhuxusha iyo warbaahinta allgalgaduud Media oo heshay cadeeymo iyo xog dheeri ah.
Dhuxusha markabka ama doonida sida markii ay ka soo anbabaxaan magaalada Kismaayo waxa uu ay dib ugu laabtaan magaalada Mombasa ee dalka Kenya, halkaas oo looga sameeyo warqado cadeeynaya in dhuxushaasi ay ka soo baxday dalka Kenya lagana raray dekeda magaalada Mombasa.
Documentigaas makri Doonta sida dhuxusha hesho ka dib waxa ay u soo anbabaxaan dalka Isutaga Imaaraadka halkaas oo uu joogo ninka ka ganacsada dhuxusha oo magaciisa naloogu sheegay Ganacsade Cabdi Xaashi oo jooga magaalada Dubai, waxaa xaqiiqa ah ganacsade Cabdi Xaashi inuu xiriir dhow la leeyahay cida u soo rarta doonyaha.
Warbaahinta Allgalgaduud Media ayaa waxa ay wareeysi kula yeelatay dekeda Sharjah mid ka mid ah Injineerada Dooni laga rogayay dhuxusha oo lagu magacaabo Qaasim, Qaasim ayaa waxa uu sheegay in dhuxusha marka hore laga raro magaalada Kismaayo, kadibna la geeyo doonida dekeda Kismaayo si loogu sameeyo warqado xamuulka ay sidaan in uu ka yimid dalka kenya, marki dhuxusha ay soo gaarto dalka Isutaga Imaaraadka waxaa laga rogaa jawaanada ay ku jirto, waxaana lagu rogaa jawaano cusub oo ay leedahay shirkada lagu magacaabo Al Baroudi International Trade sida aad sawirkaba idiinka muuqda kadiba ayaa la iibgeeyaa dhuxushaasi.
Shirkada Al Baroudi International Trade dhuxusha waxa ay u raraan dalka Iraan halkaas oo si aad ah looga isticmaalo dhuxusha laga soo raro magaalada Kismaayo ahna halka ay ugu dambeeysa e la geeyo.
Dhuxusha laga soo dhoofiyo magaalada Kismaayo ayaa waxaa si wada jira dhaqaale uga hela Maleeshiyaadka Raaskambooni, Al Shabaab iyo ciidamada Kenya ee ku hoowlgala magaca AMISOM.
Dhoofinta dhuxusha Soomaaliya ayaa waxaa si wadajir ah u mamnuucay dowaldda Mareykan iyo Qaramada Midoobay, balse waxaad modaa dhoofinta dhuxusha in ay hadda ka badan tahay waagii hore, waxaadna mooda in caalamku indhaha ka daboolanayo dhoofinta dhuxusha ee sida xoowliga ah uga socota magaalada Kismaayo. Halkan Guji Kana Akhriso.
Warbixino ay soo saareen dowladda Mareykanka iyo Qaramada Midoobay ayaa waxaa lagu sheegay in Al Shababa dhaqaalaha ugu badan inay ka helaan dhoofinta Dhuxusha, balse sida hadda muuqata waxaa hoowshaas Al Shabaab u fududeeya Ciidamada Kenya (KDF) ee ku sugan gudaha Soomaaliya.
Maleeshiyaadka Raaskambooni Iyo Al Shabaab dhaqaalaha ka soo gala dhoofinta dhuxusha ayay waxa ay ku fuliyaan inay hub ku gataan, inay tababaro ku siiyaan maleeshiyaadkooda iyo weliba mida ugu qatarta badanee Al Shabaab oo ku fuliya dhaqaalaha ay ka helaan dhoofinta dhuxusha weeraro dalka dibediisa ah.
Isku soo wada duuboo waxaa dabar gooy baahsan oo dhan walba ah lagu hayaa dalka Soomaaliya, dhirti oo la dabar gooynayo, dhaqaalihi laga helo dabar gooynta dhirta ayaa haddana inta hub iyo rasaas lagu iibsado ayaa waxaa lagu dabar gooyaa guud ahaan dadka Soomaaliyeed, waxaa sidoo kale dhaqaalaha laga helo dhoofinta dhuxusha lagula dagaalamaa dowladda Soomaaliya.
Maxamed Siciid Dhuubane
Dubai, UAE
Filo Dhawaan Maqal Iyo Muuqaal.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com