Kismaayo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in Dad diiday in xalay Magaaladaasi ay ka dhacday Rasaas dhimasho iyo dhaawac sababtay kadib markii maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ay weerar ku qaadeen Guri ku yaala xaafadda Cascaseey ee Magaalada Kismaayo.
Goob Jooge ku sugan gudaha magaalada Kismaayo ayaa sheegay ayaa waxa uu u xaqiijiyay Warbaahinta Allgalgaduud Media in Guir ku yaalla xaafada Cascaseey ay weerar ku qaadeen maleeshiyo ka tirsan maleeshiyo beeleedka Raaskambooni kadibna halkaasi ay ku dileen Haweeney, iyagoo sidoo kalana dhaawac u geeystay dad gaaraya illaa 5 Ruux oo ay laba ka mid ah ay u geesteen dhaawac Culus ka dibna goobtaasi ka kaxeeysteen.
Haweeneydan ay dileen maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ayaa waxaa la sheegay in ay ka biyo diiday amar ay ku siiyeen Maleeshiyada weertay in ay guriga u furto si ay ay gudaha ugu galaan.
Isku soo wada duuboo xaafadda Cascaseey ee xalay weerareen Maleeshiyada Raaskambooni ayaa waxa ay goobjoogeyaashu sheegeen in saacado bandow ay ahayd ,Waxaa illaa hadda wax war ah ka soo bixin Horjoogeyaasha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni oo la xiriira Dilka Haweeneyda iyo dhaawaca 5-tan ruux.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com