Cape Town (AGGM): Laba Gabdhood oo Soomaali ah ayaa mayd ah ayaa laga helay Magaalo ku taal Dalka Koofur Africa kuwaas oo aan la aqoon cida dishay ilaa iyo hada waxaana arintaa wlaaac ka muujiyay Soomaalida Dalkaa koofur Africa ku ganacsada.
Labadan Gabdhood ayaa la sheegayaa in ay ka muuqdeen dhawacyo loo adeegsaday tooreeyo hayeeshe Booliiska ayaa baaraya waxa ayna Booliiska sheegeen in arintaan ay tahay arin fool xun oo ay aad uga xun yahiin.
Qaar ka mid ah soomaalida Koofur Africa ayaa sheegaya in ay aad arintaa uga walaacsan yahiin waxaana Ganacsatada Soomaalida qaarkood bilaabeen in alaabtooda ay halkaa ka gurtaan .
Lama yaqaano cid dishay ilaa iyo hada mana jirto cid loo soo qabtay, waxaana dhacdadaan Cambaareeyay Soomaalida koofur Africa oo Dowladda ku eedeeyay in ay ku guul daraysatay in amaanka Dadka Soomaalida dalkaa ku dhaqan ilaaliyaan.
Dalka Koofur Africa ayaa badanaa waxaa tacdiya joogta ah lagu hayaa dadka Soomaalida ah, mana ay jirto cid ilaa iyo iminka wax ka qabatay maadaama Boqolaal Soomaaali ah la barakaciyay qaar kalena la dilay, qaarna hantidoodii la dhacay.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com