Ciidamada Xooga Dalka Iyo Falaagada Al Shabaab Oo Isku Farasaaray Deegaanno Hoostaga Gobolka Bay.

0

dagaalBaydhabo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya gobolka Bay ayaa sheegaya in deegaanno hoos taga gobolka uu ka dhacay dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab, kadib markii ay maleeshiyaad ka tirsan falaagada Al-shabaab weerar ku qaadeen saldhigyo ay degnaayeen Ciidamada Xooga Dalka.

Tuulooyin ka tirsan degmadaa Bardaale ee gobolka Bay ciidamo ka mid ah dowladda federaalka Soomaaliya oo garabsanaya kuwa Ethiopia iyo falaagada Al Shabaab.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in xalay maleeshiyaad ka tirsan falaagada Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ay ku leeyihiin deegaan hoostaga degmada Bardaale ee gobolka Bay.

Weerarkan gaadmada ahaa oo lagu qaaday xalay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ee ku sugan Bardaale ayaa waxa uu ka dambeeyay kadib markii maalmihii u dambeeyay degmadaasi ay ka socdeen dhaq dhaqaaq iyo Abaabul ciidan oo u dhaxeyay Ciidamada Xooga Dalka, Itoobiya oo isku dhinac ah iyo falaagada Al Shabaab.

Khasaaraha dhimashadaayaa waxaa lagu sheegay hal ruux halka shan kalana dhinacyadii dagaalamayna kuu dhaawacnmeen.

Ilaa iyo hada majiro warar madaxbanaan oo ka soo baxay Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka iyo kuwa Al Shabaab oo ku Dagaalamay Gobolka Bay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com