New York (AGGM): Xog-hayaha guud ee QM Ban Ki Moon ayaa dalbaday in ciidamo dheeraad ah oo ka socda wadamada qaarada Africa lagu kordhiyo howlgalka AMISOM ee Soomaaliya si loo xoojiyo ayuu yiri dadaalka loogu jiro sidii Soomaaliya looga ciribtiri lahaa argagixisada Al-shabaab.
Waxaa uu sheegay in weerarkii dhawaan ciidamada kumaandooska dalka Mareykanka ka geysteen degmada Baraawe uu ahaa mid lagu bartilmaameesanayay kooxaha argagixisada ku dhuumaleysanaysa qeybo ka mid ah gudaha dalka Soomaaliya.
“Gollahaa waxaa uu in uu ka taageeraan AMISOM sidii ay ku heli lahaayeen maaliyad iyo qalab ciidan oo ay ka mid yihiin diyaarado kuwa qummaatiga u kaca ah iyo sidii looga taageeri lahaa sirdoonka si ay u xoojiyaan dagaalka lagula jiro Al-shabaab,” ayuu Ban Ki-Moon warqadiisa ku yiri.
Sidoo kale, xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay wuxuu ka digay inay jirto baahi ku aadan dar-dar galinta tallaaboyinka melateri ee ka dhanka ah Al-shabab.
Waxaa uu sheegay in mar kasta oo xaalada nabad-galyo ee Soomaaliya ii xumaato ay khatar ku tahay nabad-galyada gobolka oo idil, sidaa daraadeed looga baahan yahay in Soomaaliya laga gacan siiyo dagaallka ka dhanka ah Al-shabaab.
Xog-hayaha ayaa si gaar ah farta ugu fiiqay in ciidammo garaaya 4,400 askari oo ka socda dalalka Uganda Iyo Burundi la geeyo Soomaaliya labada sano ee soo socda; sidoo kalena loo baahan yahay in shaqaale saadka geeya iyagana lagu daro ciidamada la geynayo Soomaaliya.
“Guulihii laga gaaray labadii sano ee lasoo dhaafay dagaallada lagula jiro Al-shabaab khatar ayay ku jirtaa…. Awoodda Al-shabaab way sii ballaaranaysaa iyagoo si hoose askar uga qoranaya gudaha dalka iyo dibaddiisa… haddii aan laga hortagin waxaa suuro-gal ah inay awoodeedii dib ula soo laabato ayna isku ballaariso Soomaaliya oo dhan,” ayuu mar kale yiri Ban Ki-Moon.
Ugu dmbeyn, xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay inay ka qaybqaataan dalalka gobolka dagaalka lagula jiro Al-shabaab, kuwaasoo uu ku tilmaamay inay yihiin khatar weyn oo caalamka kusoo socota.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com