War Deg Deg Ah:Xildhibaano, Guudomiyeyaal, Odayaal Dhaqan Iyo Qurbajoog Oo Maanta Ku Soo Wajahan Magaalada Caabudwaaq.

0

Breaking-NewsMuqdisho (AGGM): Wararka saaka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in wafdi balaaran oo isugu jira Xildhibaano, Guudomiyeyaal, Odayaal DhaqanIyo Qurbajoog ay Saaka Ku Soo Wajahan Magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galguduud.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa wafdigan oo ay horkacayaan, Gudoomiyaha Degmada Caabudwaaq Axmed Jaamac Dhirif, Gudoomiyaha degmada Balanbale Hareri Xasan Bare iyo Gudoomiyaha degmada Dhabad Aadan Cabdinuur Galaal (Aadan Gabi) in ay garoonka diyaaradaha magaalada Caabudwaaq saacadaha soo socda ka soo degi doonaan.

Wafdigan balaaran ayaa waxaa sidoo kale la socda Xildhibaan C/llaahi Maxamed Xirsi “Qorax”, Xildhibaan Nuur Faarax “Nuur Baadiye”, Odoyaal Dhaqan iyo Qurbajoog.

Sida wararka aanu ku heleeyno Mas’uuliyiintan ayaa waxa ay deegaanka u imaanayaan sidii dib u heshiisiin loogu sameeyn lahaa dhamaan dadka daga gobolada Galgaldguud, gaar ahaana waqooyiga Galguduud.

Isku soo wada duuboo wafdigan ayaa waxaa la filayaa saacadaha soo socda inay soo caga dhigato diyaarada ay la socdaan garoonka Caalamiga ah ee magaalada Caabudwaaq.

Waxii ka soo kordha warkan kala soco Allgalgaduud Media.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Merdia
allgalgaduud@gmail.com