War Deg Deg Ah: Prof. Cali Khaliif, Cumar Cabdirashiid Iyo Prof. Cali Maxamed Geedi Oo Gaaray Magaalada Kismaayo.

0

Breaking-NewsKismaayo (AGGM): Wararka maanta naga soo gaaraya saaka magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in magaalada Kismaayo shalay galinki dambe ay gaareen Prof. Cali Khaliif, Cumar Cabdirashiid Iyo Prof. Cali Maxamed Geedi magaaladaasi.

Warka ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in booqashada Prof. Cali Khaliif, Cumar Cabdirashiid Iyo Prof. Cali Maxamed Geedi ay salka ku heeyso sidii ay ugu cadaadin lahaayeen horjoogaha Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni inuu deg deg ku dhisto maamul oo uusan cidna sugin.

Dhinaca kale waxaa iyaguna maanta magaaladaas ku wajahan wafdi Balaaran oo ka socda Dowladda Soomaaliya, AMISOM, Iyo Dowladda Itoobiya oo iyaguna la sheegay inay magaaladaasi u tagayaan inay uga digaan horjoogaha Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni in uusan barbar mari karin heshiiski Addis Ababa, haddii uu barbar marana sharciga lala tiigsan doono.

Isku soo wada duuboo siyaasada Jubbooyinka ayaa waxa ay sii galayaan jawi cusub oo jahwareer ah, islamarkaana aan huri doonin inay ka qarxaan magaalada Kismaayo dagaalo Sokeeye oo hor leh .

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media.

Isha Ku Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com