Sirdoonka Maraykanka Oo Baahiyey Liiska 10-ka Nin Ee Caalamka Qatarta Ku Ah.

0

ragaWashington DC (AGGM): Ciidamada Sirdoonka Waddanka Maraykanka, ayaa baahiyey liiska Tobanka Hoggaamiye ee Cabsida ugu weyn ku haya wadamada caalamka.

Tobankan Hoggaamiye ayaa ah Muslimiinta mayalka adag ee ka soo horjeeda siyaasadda Maraykan maanta dunida ku hoggaamiyo, waxana ay kooxdan la faafiyey ku caan baxeen colaadda gaamurtay ee ay u qabaan dawladda Maraykanka iyo cid walba oo fikirkooda qalafsan diida.

Tobankan nin ee la baadi goobayo ayaa waxaa ka soo dhex muuqday l ee Hoggaamiyaha u dhashay ee Somaliland ee gadhwadeenka u ah ururka Alshabaab Axmed Cabdi-Godane, kaas caalamku ku taamayaan soo qabashadiisa.

Tobanka Nin ee hogaamiya ururada argagixisad ah ee sida weyn ay reer Galbeedku u baadi goobayaan ayaa magacyadooda sidan kala ah:

Ayman al-Zawahiri, Nasir al Wuhayshi, Ibrahim Al-Asiri, Ahmed Abdi Godane, Moktar Belmokhtar, Abu Muhammad al-Julani-  Abu Bakr Al-Baghdadi, Sirajuddin Haqqani,  Abubakar Shekau iyo Doku Umarov.

Warbixintani ayaa sheegtay in nimankani yihiin raga ugu khatarta badan aduunka oo nolol dad badan galaafan kara.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Merdia
allgalgaduud@gmail.com