Madaxweyne Xassan Sheekh Oo Fariin U Dirray Dhalinyarrada La Marin Habaabiyay Ee Ka Tirsan Al Shabaab.

0

XASAN SHEEKHMuqdisho (AGGM): Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud ayaa fariin u dirray dhalinyarrada ka tirsan kooxda Al-shabaab, isaga oo ugu baaqay in ay ku soo biiraan hanaanka dowladnimada, islamarkaana isaga soo haraan kooxaha doonaya in ay ku gaaraan danaha siyaasadeed.

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu siweyn uga xunyahay in ay dhalinyarrada Soomaaliyeed waqtigooda ku dhameystaan wax aan waxba ka jirin, islamarkaana ay dhiigooda ku daneystaan kooxo sida uu sheegay danbiilayaal ah oo ku dhuumaaleysanaya dalka.

‘’Waxaan ugu baaqayaa dhalinyarrada ka bar bar dagaalameysa Al-shabaab in ay ka soo laabtaan fikirkaa cafisna soo weydiistaan dowladda, annaga marar badan ooh ore waan sheegnay mar kalana waan ku celineynaa waa soo dhaaweyneynaa dhalinyarrradaas haddii ay ka soo haraan fikirka qalda,’’ ayuu yiri madaxweyne Xassan Sheekh.

Ugu danbeyntii madaxweynaha ayaa ugu baaqay kooxaha ajnabiga ah ee ka tirsan Al-shabaab in ay sida ugu dhaqsiyaha dalka uga baxaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com