Madaxweynaha Jabuuti Oo Sheegay In Ciidamadooda Ay Ka Saari Doonin Soomaaliya.

0

ismaaciil-cumar-geeleJabuuti (AGGM): Madaxwaynaha Dalka Jamhuuriyada Jabuuti ismaaciil Cumar Gelle ayaa sheegay in Ciidamada Jabuuti ee jooga Soomaaliya aan soomaaliya laga soo saari doonin inta Soomaaliya ka helayso Xasilooni iyo kala danabayn muuqata.

Waxa uu sheegay in Ciidamada Jabuuti ee jooga Soomaaliya qayb ka yahiin howlgalka AMISOM waxa uuna xusay in kaalin wayn ka qaateen caawinta walaalahooda Soomaaliyeed asaga oo sheegay in tababara siiyaan Ciidamada Dowlada Soomaaliya.

Madaxwaynaha Jabuuti ayaa sheegay in Dalka Soomaaliya uu yahay dal la walaaal ah Jabuuti waxa uuna sheegay in ay ka damqadaan xili kasta dhibaatada ka jirta hayeeshee waxa uu xusay in Jabuuti ka taageeri doonto Dowlada Soomaaliya dhinac kasta

Madaxwaynaha Jabuuti ayaa sheegay in Ciidamada Jooga Soomaaliya ee ka socda Jabuuti yahiin geesiyaal waxa uuna khiray in Jabuuti diyaar u tahay in Walaalaheeda Soomaaliyeed dhiiga u daadiso oo gacan qabato maadama ay Soomaaliya gacan ka gaysatay Xurnimadii Jabuuti.

Ismaaciil cumar Geelle ayaa ugu danbayntii sheegay in aysan Cabsi galin doonin Hanjabaada uga imaanaysa Jabuuti kooxda Aragagaxisada ah ee Alshabaaab waxa uu sheegay in ay la dagaalami doonaan islamarkaana gacan ka gaysan doonaan dagaalka ka dhanka ah Alshabaab ee ka socda Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com