Horjoogaha Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni Oo Xabsiga Kismaayo Ka Siidaayay Qaar Ka Tirsanaa Maleeshiyaadkiisa Oo Dambiyo Loo Heesytay.

0

axmed madoobeKismaayo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in shalay ooda laga qaaday maxaabiis horey uga tirsanaa maleeshiyada Raaskambooni oo xabsiga magaalada Kismaayo ugu xirnaa falal dambiyo ah oo ay galeen.

Horjoogaha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ayaa waxaa uu ka sheegay Warbaahinta fadliga Ciidul Adxaa Awgeed in uu Maxaabiista xabsiyada magaalada Kismaayo Ku xiran uu cafis u fidiyay, balse arrintaas ayaa saaka marki ay ka war heleen dadka  ku sugan gudaha Kismaayo ee ay xabsiyadaas ku xiran yihiin dad eheladooda ah ayaa waxa ay ku tilmaameen warkaas uu horjoogaha sheegay inuu yahay mid been abuur ah.

“Adeeroow Dadka xabsiyada laga sii daayay waa intii ku heeybta ahayd horjoogaha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni Axmed Madoobe, mana ay jiraan cid kale oo xabsiyada magaalada Kismaayo laga sii daayay, weli waxaa magaalada ka socda Dilka, Dhaca, Barakicinta iyo Jirdilka loo geeysanayo dadka aan ku heeybta ahayn maleehsiyo beeleedka Raaskambooni” waa sida uu hadalka u dhigay Dhibane Wiil uga xiran yahay Xabsiga magaalada Kismaayo .

Dhibanahan oo sii wata hadalkiisa ayaa waxa uu sheegay in dhamaan dadka ku xiran xabsiyada ee ka soo jeeda beelaha kale ee Soomaalida ay weli sidoodi u xiran yihiin islamarkaana falalki ka dhanka ahaa xuquuqul aadanaha weli loo geesanayo.

Isku soo wada duuboo warkan ka soo yeeray Horjoogaha maleeshiyo beeleedka Raskambooni ayaa waxaa si cad u beeniyay dadka ku nool magaalada Kismaayo oo ku tilmaamay Horjoogaha midaad Rag iyo Rabiba waxba ka aqoon.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com