Gudiga Nabadda Iyo Horumarinta Jubbooyinka (JPD) Oo Munaasabadda Ciidul Adxa Awgeed Hambalyo U Diraya Umadda Soomaaliyeed Meel Walba Oo Ay Joogaan.

0

WHITE2345Gudiga Nabadda Iyo Horumarinta Jubbooyinka ayaa Munaasabadda Ciidul Adxaa awgeed waxa ay hambalyo u dirayaan dhamaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaana shacabka Jubbooyinka.

Gudiga Nabadda Iyo Horumarinta Jubbooyinka ayaa Munaasabadda Ciidul Adxaa awgeed  waxa ay ugu baaqayaan dhamaan shacabka ku nool gobolada Jubbooyinka gaar ahaan dhamaan Odayaasha dhaqanka iyo Waxgaradka in ay ka shaqeeyaan sidii ay ku midoobi lahaayeen ugana samata bixin lahayeen colaadaha haatan ka soo cusboonaaday degaanada Jubbooyinka.

Deegaanada Jubbooyinka waxa ay horey uga soo daaleen colaado iyo abaaro soo noqnoqda taas oo shacabkii deegaankaas ay kala kulmeen dhimasho, dhawac iyo barakac baahsan, sidaa awgeed waa in laga foojignaadaa Colaadaha Sokeeye.

Gudiga Nabadda Iyo Horumarinta Jubbooyinka waxa ay Munaasabadda Ciidul Adxaa awgeed ILAAHAY ka baryayaan in Nabad iyo Barwaaqo waarta uu siiyo gabi ahaan degaanada Soomaaliyeed gaar ahaana gobolada Jubooyinka.

Dhamaantiin waxaan idin leenahay ku Ciida Guul iyo Gobanimo.

Wabilaahi Towfiiq

Gudiga Nabadda Iyo Horumarinta Jubbooyinka

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com