Afhayeenka Falaagada Al Shabaab “Nairobi Waxaa Ay Ku Sigatay In Ay Ka Mid Noqonto Deegaannada Aanu Ka Talino”.

0

CALI DHEEREMuqdisho (AGGM): Afhayeenka guud ee falaagada Al Shabaab Cali Dheere oo shalay salaadii ciida kadib boqolaal qof kula hadlay degmada Baraawe ayaa sheegay in magaalada Nairobi ay ku dhawaaqat inay ka mid noqoto wilaayaadka Islaamiga ah ee ay ka taliyaan.

Waxa uu sheegay Cali Dheere in kooxo tiro yar  oo ka mid ah sida uu hadalka u dhigay dagaalyahannada Al-shabaab afar maalmood heysteen rugta ganacsiga ee Westgate, taasoo qarka u saartay Nairobi in ay ka mid noqoto deegaannada uu ka jira maamulka ururka Argagixisada ah ee Al Shabaab.

“Nairobi waxay ku dhawaaqay inay ka mid noqoto wilaayaadka Islaamiga ee aan ka talino, markii koox yar oo ay dhowr maalmood heysteen Westgate”ayuu yiri Cali Dheere.

Waxaa uu ku sheegay weerarkii Westgate Mall in uu ahaa  fariin ay u dirayeen dowladda Kenya oo ku aadan duulaanka ay ku soo qaaday Soomaaliya sida uu yiri.

“Weerarkii Westgate ma aheyn dagaal weyn oo ay Mujaahidiintu qaadeen, wuxuu ahaa fariin aan u direynay Kenya dulmiga iyo cadawtinimada ay ku soo weerartay dhulka Soomaaliya”ayuu yiri Cali Dheere.

Isaga oo dhinaca kale ka hadllayay weerarkii Kumaandooska dalka Mareykanka ay ku qaadeen degmada Baraawe ayuu sheegay in weerarkaas uu aha mid indhaha caalamka looga jeedinayay weerarkii Westgate, hase ahaatee uu ku fashilmay Mareykanka.

Falaagada argagixisada ah ee Al-shabaab ayaa maamusha hadda qeybo  badan oo ka tirsan Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya ayaa horay weeraro ugu qaaday magaalooyinka Kampala iyo Nairobi, iyadoo ku goodisay inay weerareyso dalalka kale ee ciidamadooda ka joogaan Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com