Ugaaska Beesha Sade Oo Ugu Hambalyeeyay Ummada Soomaaliyeed Iyo Muslimiinta Farxada Ciidul Adxaa..

0

P1020143Baled-Xaawo (AGGM): Ugaaska beesha Sade, Ugaas Mohamed Ugaas Cumar Ugaas Xirsi oo salaadii Ciidul Adxaa u duceeyay Ummada Soomaaliyeed, Dadweynaha Baled Xaawo ee ku tukaday isbartiibada magaaladaasi, iyo guud ahaan muslimiinta, isla markaasna wuxuu dadweynaha Degamada Baled Xaawo oogu baaqay in ay iska ilaaliyaan waxyaabaha keeni karo nabadgalyo xumada iyo iskudhaca beelaha wada dago deeganadaasi lagana shaqeeyo nabada iyo wadajirka wixi dhib ah oo dhacana ay wadahadal ku dhameystaan.

Ugaaska wuxuu si kooban uga hadlay arimaha dhaqanka ee beesha Sade asagoo sheegay in aan la siyaasadeeynin dhaqanka beesha ay leedahay, ayadoo ay jiraan dad badan oo sheeganayo in ay yihiin sida Ugaas, Nabadoon, Suldaan iyo wixi lamid ah, ayagoo ku dabaqayo danohooda qaaska ah taasoo caqabad ku ah midnimada iyo wadatashiga beesha Sade, sidaa awgeed waxa uu kula taliyay dadka arimaahsi wado in ay isaga tanaasulaan oo ay xurmeeyaan odayaasha dhaqanka ee rasmiga ah.

Ugu danbayntii Ugaaska beesha Sade waxa uu ku wacdiyay kana codsadey dadweynaha beesha Sade in ay Allah ka cabsadaan isna cafiyaan, kuna dhaqmaan shareecada islaamka sababto ah shareecada islaamka oo kaliya ayaa dhibka looga bixi karaa barwaaqo iyo nabad galyana lagu heli karaa. Waxa uuna leeyahay dhamaan umada muslimiinta ah Kulu caam wantum bilkheyr.

P1020143

By wariye Mohamed Abdullahi ( Mr. smart )
Baled Xaawo, Gedo Somalia

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com