Muqdisho (AGGM): Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyay munaasabadda ciidul-adxaa muslimiinta gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay adduunka ka joogaan.
Xasan Sheekh oo maanta warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa lagu sheegay inay muhiim tahay in la caawiyo lagana farxiyo dadka aan awoodin inay u damaashaadaan munaasabadda ciidda, iyadoo lagu xusay inay sidoo kale muhiim tahay in carruurta laga farxiyo lana baro ahmiyadda ciidda.
Wuxuu shacabka Soomaaliyeed u soo jeediyay inay iscafiyaan farxadda ciidda awgeed.
Dhanka kale, madaxweynaha ayaa u rajeeyay muslimiinta gudanaya cibaadada xajka inuu Alle ka aqbalo ducooyinkooda.
Soomaalida wuxuu u soo jeediyay inay is-xushmeeyaan oo ay isku dulqaataan, isagoo ku dhiirrigeliyay inay ka qeyb galaan dedaallada loogu jiro dib-u-dhiska iyo xaslininta waddanka.
Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com