Iskuul Loogu Magac Daray Abwaan Yam Yam Oo Magaalada Caabudwaaq Laga Furay.

0

yamyam111Caabudwaaq (AGGM): Magaalada Caabudwaaq oo markii ugu horaysay laga hirgaliyey School loogu Magac Daray Abwaankii Soomaaliyeed Allaha U naxariistee C/qadir Xirsi Yam-Yam kaasi oo Lagu Magacaabo Yam-Yam Primary School.

School kan oo ay dhigtaan in kabadan 150 arday oo isugu jira caruur yar yar iyo qayb dadka waaweyn loogu talo galay in ay wax ku bartaan islamarkaana loogu soo dhisbo base-kooda School ka Yam-Yam Primary School waxaa la’aas aasay Julay-2013 waxaana wax ka dhiga macaliim gaaray ilaa iyo 4 macalin kuwaaso oo aqoontoodu aad u sarayso, school ku waxa uu ka kooban yahay 5 fasal .

School-ka Yam-Yam Primary School waxaa hirgaliyey Jaaliyada Dibada ee kasoo jeeda Waqooyoga Galgaduud kuwaas oo isku taxaluujiyey in ay ka qayb qaataan kor u qaadista waxbarashada deegaanka waxaana ay sheegeen in ay ugu talo galeen in ay ka faa’iidaystaan dadka deegaanka.

School ku ma ahan school ay cid gooni ah wax ku barato waaa school ay dadka deegaanka u wada dhaxeeya waxaana hada lagu wadaa in laga sii balaariyo inta hada uu yahay

Qaar ka mid ah Odayaasha deegaanka iyo Qorba joogta hada deegaanka joogta ayaa si wada jir ah ugu baaqay jaaliyada hada gacanta ku haysa iyo cidkasta oo danayanaysa in ay ka qayb qaataan waxbarashada deegaanka in halkaas ay ka sii wadaan schoolkana laga sii balaariyo inta uu hada yahay oo lagaarsiiyo ilaa dugsi sare si ay ugu faa’idaystaan bulshada deegaanka.

Waa school kii ugu horayeye ee Magaalada laga furo oo kaasi oo loogu magac daray Allaha u naxariistee Abwaan C/qaadir Xirsi Yam-Yam waxaana hada wax ku barta arday isugu jirta Wiilal iyo Gabdho isagoo sidoo kale leh qayb dadka waxbarashada dadka waaweyna ah.

Halkan Guji Kana Daawo Sawirada…

Bashiir Sheikh Yuusuf (Nadaara)
E-Mail-Nadaara123@gmail.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com