Hargeysa(AGGM)Waxa guud ahaan gobolada iyo dagmooyinka Somaliland saaka laga oogay tukashada salaadda ciidal adxada waxaana shacbiga Somaliland kala qeyb galay salaada ciidal adxada madaxda sare ee dalka.Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa boqolaal ka mida shacabka caasimada kula tukaday masjid jaamaca weyn ee magaaladda Hargaysa.Madaxweynaha Somaliland waxa ku wehelinayay ka qeybgalka salaada ciidal adxada xubno ka tirsan golahiisa wasiirada ,madaxada golayaasha qaranka iyo masuuliyiin kale.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo khudbad kooban ka jeediyay masjid jaamaca weyn e Hargaysa ayaa shacbiga somaliland ugu baaqay in ay ilaashadaan nabadgalayada iyo jiritaanka dalka islamarkaana ay xoojiyaan midnimada iyo iskuduubnida dalka .
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com