Taliska Booliska Gobolka Hiiraan Oo Saxafada U Bandhigay Maleeshiyaad Ka Tirsan Alshabab Oo La Qabtay

0

Baladweyne5Baladweyne(AGGM)Saraakiisha Ciidamada ammaanka ee ku sugan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa maanta meel fagaara ah ku soo bandhigay Maleeshiyaad la rumeysan yahay in ay ka danbeeyeen dilalka dad rayid ah oo horey magaaladaasi loogu dilay,  oo uu ka mid yahay Afhayeenka Odayaash Dhaqanka gobolka Hiiraan, waxaana dhalan yaradaasi ka tirsanyihiin maleeshiyaadka Qaran diidka ah ee Al  Shabaab.

Taliyaha Ciimada Boliiska qeybta gobolka Hiiraan Korneel  Isxaaq oo maanta soo bandhigay maleeshiyaadkani ayaa waxa uu sheegay ragani  in ay ka danbeeyeen dilal loo geystay dad shacab ah oo ku sugnaa magaalada Beledweyne, islamarkaana ay ku howlanaayeen sidii magaalada ay ugu sameyn lahaayeen amni darro.

“ Waxaan gacanta ku soo dhignay  qaar ka mid ah dadkii qaraxyada iyo dilalka qorsheysan ka fulin jiray magaalada Beledweyne, waxaana magacyadooda ay kala yihiin C/rishiid  Faarax  Cabdi ( Dhega Caleen),  C/risaaq Axmed Nuur (Barqadle), Ibraahim Aadan Cumar,  Abuukar Yuusuf Xaaji Ibraahim iyo Xasan Cali Maxamuud, ragani waxay ku howlanaayeen   dhibaato ka geysashada magaalada Beledweyne  nasiib wanaag waxaan heynaa cadeymaha danbiyada loo heysto”  ayuu hadalkiisa ku daray Taliyaha qeybta Boliiska gobolka Hiiraan.

Taliyaha ayaa waxa uu  soo bandhigay maleeshiyaadkani falalka sida gaarka ah ay u fuliyeen, isagoo sheegay in ay ka danbeeyeen dilkii allaha u naxriistee magaalada Beledweyne loogu geystay Afahyeenkii Odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan, dhaawicii loo geystay ganacsade caan ka ahaa magaaladaasi, qaraxi xili habeen ka dhacay Xaafadda Howl wadaag iyo falal Kale.

Ugu dambeyntii  qaar ka mid ah maleeshiyaadkani ayaa horey u qirtay danbiyada lagu eedeeyay oo ammaanka lidiga ku ah, waxaana laamaha ammaanka ay sheegeen in shariciga la soo taagi doono dhagar qabayaashani ka tirsan maleeshiyaadka Al Shaabaab.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com