Sawir + Maqaal: Maxaad Ka Taqaan Taariikhda Caado Qaate Yaasiin Nuur Gaas (Yaasiin Indhoraadeer).

0

raadeerKismaayo(AGGM) Yaasiin Nuur Gaas (Indho Raadeer) waxaa uu ka mid yahay horjoogayaasha Jabhadda Raaskambooni ee isla markaasna waxaa ka mid yahay ragga ku caan baxay horgalnimadda iyo caado qaatenimadda,waxaana uu yahay adeega ku wanaagsan shaqada marka la babar dhigo ragga qaarkiis ee ka tirsan horjoogayaasha Maleeshiyaadka Raaskambooni.

Yaasiin Nuur Gaas isagoo sheeganaya inuu ka mid yahay Horjoogayaasha Maleeshiyaadka Raaskambooni waxaa  dhacda in maalin kasta hortiisa lagu dilo, lagu dhaco amaba lagu kufsado gabdhaha beeshiisa ku abtirsada isla markaasna qaarkood ahayeen ilaaladiisa gaarka ah,waxaana uu arrimahaasi ka beeniyey idaacadaha iyadoo ay arrintaasi ka caroodeen dad badan oo eheladooda la dilay.

Yaasiin Nuur Gaas ( Indho Raadeer) Waxaa uu magacaas kula baxay fuleynimo markii dawladii dhexe ee Soomaaliya jirtey,waxaana la sheegay inuu colka ka arki jirey meel ka fog 30 km, Waxaa uu Yaasiin Nuur Gaas caan ku yahay inuu goobaha dagaalka noqdo ninka ugu horeeya ee ka baxsada isla markaasna laga waayo goobta dagaalka.

Yaasiin Nuur Gaas inta nabada joogto waa nin joog iyo cod geesinimo leh balse marka fooda lays darro Yaasiin Nuur Gaas waa nin fuleynimadda ku caaan ah isla markaasna aan awood u lahayn inuu goob dagaal ku sii sugnaado mudo kooban, waxaana dhacday dagaalo gobolka Jubadda Hoose ka dhacay sanadihii 2000-2004 inuu dhawr goobood kaga baxsaday ciidamo uu hogaaminayey isla markaasna laga war helay isagoo ku sugan Meel kale oo aad uga fog goobta dagaalka.

Horgal Yaasiin waxa uu ka mid ahaa horjoogeyaashi ku soo hogaamiyay ciidamada Kenya magaalada Kismaayo, balse caawa waxa uu magan ku yahay Xerada ciidamada Siiraaliyoon ee Magaalada Kismaayo.

Yaasiin waxaa isagoo ku sugan magaalada Kismaayo lagu bililiqeeystay labadiisa guri ee ay u dagnayaayeen Xaasaskiisa iyo Caruurtiisa, waxaana hortiisa lagu rartay agabkii u yiilay guryihiisa, Indhoraadeer waxaa hortiisa jirdil iyo dilba loogu geeystay ilaaladiisi gaarka ahayd waxaana uu ku nool yahay nolosha qof bini’aadam ah ugu liidata ee ku nool magaalada Kismaayo.

Ugu dambeyntii Yaasiin Nuur Gaas oo haddaQaxooti ku ah xero ku taala Magaalada Kismaayo oo ay leeyihiin Ciidamada Siraaliyoon ka dib markii uu aamini waayey Maleeshiyaadka Raaskambooni oo isugu daray Bahdil iyo Hanjabaad iyo dhac waxaana uu hadda magan u yahay Ciidamada Wadanka Siraliyoon oo amaankisa ilaaliya , Xitaa ma awoodo inuu Magaalada Kismaayo gudaheeda si xor ah u marro ama ugu soo daadago, (Doqon Ha U Gargaarin Hana Gargaarsan).

background-blue

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com