Roma (AGGM): Ciidamada Badda Talyaaniga ayaa maanta oo Isniin ah bilaabaya kormeerka xeebaha Mediterranean, xilli todobaadyadii la soo dhaafay ay ku soo qul qulayeen muhaajiriin Afrikaan ah oo doomo macmal ah ka soo raacaya waqooyiga Afrika.
Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Enrico Letta ayaa sheegay in cirka iyo badda ay kormeerayaan ciidamada ilaalada xeebaha, si ay u joojiyaan qul qulka tahriibayaasha afrikaanka ee soo gaaraya xeebaha bari dalka Talyaaniga.
Jimcihii la soo dhaafay ayaa waxaa ku dhintay xeebaha u dhaxeeya Talyaaniga iyo Malta ilaa 33-ruux, kadib markii doonidiida ay degtay
Todobaad ka hor ayay aheyd markii ilaa 350 muhaajiriin ah ay ku dhinteen xeebta Jaziirada Lampedusa.
Talyaaniga ayaa ka dalbaday Midowga Yurub inay ku taageerto kumanaanka tahriibayaasha ee ku soo qul qulaya dalkaas, kuwaasoo ka imaanaya Afrika iyo Bariga Dhexe.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com