Muqdisho(AGGM)Wasiirka Warfaafinta Boostada Isagaariinta iyo Gaadiidka ee xukumada Soomaaliya mudane C/laahi Ciilmooge Xirsi ayaa sheegey in dhawaan baarlamanka la horgayndoono xeerarka Saxaafada iyo isgaarsiinta, isagoo dhanka kale ka waramay qorshayaal lagu horumarinayo warbaahinta Qaranka.
Wasiirka ayaa ka warbixiyay qorshayaal ay wasaaradu ku horumarineysa saxaafada dalka, isagoo xusay in wasaaradu ay horgeyndoonto Baarlamanka xeerarka saxaafada iyo isgaarsiinta kadib markii wada tashi badan la geliyay.
“Waxaan golaha wasiirada u gudbinay xeerka saxaafada ay ku shaqeyn laheyd, bishaan gudaheedana waxaan u gudbindoonaa baarlamanka, la tashi badanbaan ku sameynay mudadaa Afarta Bilood ah, waxaa kaloo aan gudbinay xeerkii isgaarsiinta dalka oo an rabno isagana inaan gudbino bishan anu ku jirno’’ Ayuu yiri wasiirka warfaafinta Boostada Isgaarsiinta iyo Gaadiidka mudane C/llaahi Ciilmooge Xirsi.
Mudane Ciilmooge oo hadalkiisa sii wata ayaa soo hadalqaaday horumarka ay wasaaradu ku sameysay warbaahinta Qaranka isagoo tilmaamay in caalamkoo dhan lagala socdo warbaahinta Qaranka, gaar ahaan Telefishinka Qaranka laga daawan karo Telefoonnada gacanta.
Ugu dambeyntii isbedello dhinacyo kala duwan leh ayaa ka muuqanaya wasaarada, taas oo ku timid dadaalka ay muujiyeen mas’uuliyiinta wasaarada oo habeen iyo maalin u taagan horumarinta adeegyada Q!aranka u igmaday.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com