Kiiniya Oo Walaac Xoogan Ka Qabta Weerar Alshabab Ku Soo Qaadaan Gudaha Dalkooda

0

keny1Nairobi(AGGM)Hey’adaha Sirdoonka kenya iyo kuwa reer Galbeedka ayaa walaac ka qaba suurta galnimada in Xarakada Al-Shabaab ay mar kale weeraro argagixiso ka geysato gudaha dalka Kenya, kadib markii hanjabaado ka soo yeeray Hogaamiyeyaal ka tirsan Shabaab.

Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa Kenya ayaa maanta qoray in Hey’adaha ammaanka ay baaritaano ku hayaan koox Islaami ah oo lagu magacaabo Al-Hijra, kaasoo uu hogaaminayo ninka loo maleynayo in Al-Shabaab u qaabilsan yahay dalka Kenya oo la yiraahdo Sheekh Iimaam Ali oo kol hore ku biiray Al-Shabaab ee Soomaaliya.

Warbixinada ka soo baxaya Hey’adaha Sirdoonka ayaa muujinaya qatarta weeraro kale oo Al-Shabaab ka geystaan gudaha Kenya, iyadoo la xoojiyay ammaanka iyo war doonka.Sarkaal ka tirsan Midowga Yurub ayaa sheegay in ka war hayaan hanjabaadaha ka yimid Al-Shabaab, waxaana uu ugu baaqay laamaha ammaanka Kenya inay muujiyaan feejignaan gaar ah.

Waxaa uu sheegay inay macquul tahay in weeraro kuwan la mid ah Al-Shabaab ka geystaan gudaha kenya, marka loo eego farsamadii weerarkii Westgate oo ahaa mid aad looga soo shaqeeyay.

Ugu dambeyntii Al-Shabaab ayaa 21-kii bishan weerar ay ku dhinteen 67 ruux ka geystay rugta Ganacsiga Westgate Mall ee magaalada Nairobi, iyadoo wali Hogaamiyeyaasheeda ay ka soo yeerayaan hanjabaado is daba joog ah.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com