Dhambaal Tacsiyeed: Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun, waxaa shalay oo ay taariikhdu ahayd 12/10/2013 magaalada Odense ee dalka Denmark ku geriiyooday Allaha u Naxariistee Marxuum Cabdiqani Muuse Jacfar ” Jaamac Gaab”..
Anaga oo ka tiiraanyonayna geerida naxdinta leh ee ku timid Allaha u Naxariistee Walaalkeen Marxuum Cabdiqani Muuse Jacfar ” Jaamac Gaab”., waxaan dhambaal tacsiyeed oo tiiraanyo leh u direynaa dhamaan Reer Muuse Jacfar iyo Maamo Cadar Maxamed, Marwadi Marxuumka Xaliima Sacdiya Abiib iyo Caruurtii Marxuumka, waxaa sidoo kale iyaguna dhambaal tacsiyeed u direeynaa Marxuumka,Abtiyaashi Iyo Habaryarihiis oo kala ah Cumar Maxamed Kheyre, Bile, Cabdikariim, Faaiso Maxamed Kheyre, Aniso, Naciimo, Faadumo yareey, Shukri Bile iyo asxabtiisa meel walba oo ay caalamka ka joogaan.
Waxaana Allaah Subxaanahu Watacaalaa ka baryaynaa inuu samir iyo iimaan ka siiyo Allaha u Naxariistee Marxuum Cabdiqani Muuse Jacfar ” Jaamac Gaab”, waxaan kaloo Allaah Subxaanahu Watacaalaa ka baryaynaa in uu Marxuum Cabdiqani Muuse Jacfar ” Jaamac Gaab” janadi fardowza ahayd ka waraabiyo. Aamiin Aamiin Aamiin
Waxaa dhambaalkan Tacsida Ah Diraya:
Dhamaan Jaaliyada Soomaaliyeed Ee Magaalada Odense Dalka Denmark.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com