Col. Maxamuud ” Axmed Madoobe Waa Dulaal,Aan Damiir Lahayn Oo Qabyaali Ah,Mana Matallo Jubooyinka ”

0

179212Kismaayo(AGGM) Col Maxamuud Cabdulaahi Cumar Xamari oo ah Masuul ka soo jeeda degaanada Goboladda Jubooyinka,Isla markaasna ka mid ahaa raggi wax ka soo dhisay Maamul Beenaadkii Axmed Madoobe lagu doortey ee ay horboodayeen Maleeshiyaadka Raaskambooni: Col Maxamuud Cabdulaahi Cumar Xamari waxaa uu eedeyn kulul u jeediyey Hogaanka Maleeshiyaadka Raaskambooni.

Col Maxamuud waxaa uu sheegey inuu ka mid ahaa dadkii soo dhisay Maamul Beenaadkii dhawaan laga dhisay Kismaayo isla markaasna lagu doortey Axmed Madoobe,waxaana uu sheegay inay ku qaldeen inay Axmed Madoobe masuul uga dhigaan gobolada Jubooyinka,waxaana uu ku eedeyey inuu yahay nin u shaqeeya dawlado kale sida dawlada kiiniya.

Col Maxamuud waxaa uu daaha ka rogay in Umada Soomaaliyeed taqaan cidda u adeegta wadamada deriska ah gaar ahaan dawlada deriska ah ee kiiniya,waxaana uu shaaciyey inuuu Axmed Madoobe uu yahay dilaal u adeegaya wadamo cadaw ku ah shacabka umadda Soomaaliyeed isla markaasna uu yahay nin aad u liita oo dafiic ah.

Sidoo kale waxaa uu shaaca ka qaaday inay ka dambeeyaan dhibaatada kismaayo ka jirta Macalin Maxamed & Cabdinaasir Seeraar oo uu ku tilmaamay inay barakaciyaan shacabka Soomaaliyeed,waxaana uu shaaciyey inay dadkaasu u adeegayaan Dawlada kiiniya iyagoo ku dhuumanaya qabiilka ay ka soo jeedaan,waxaana uu sheegay in dhibaatadaas loo baahan yahay in shacabka laga saaro.

Ugu dambeyntii Col Maxamuud oo warbixin dheer warbaahinta siiyey ayaa eedeyn yio cambareyn kulul u jeediyey Horjoogayaasha Maleeshiyaadka Raaskambooni,waxaana uu sheegay inay yihiin dilaaliin waligood dalka Soomaaliya u basaasi jirey wadamada deriska ah,waxaana uu sheegay inay doonayaan inay dalka geliyaan gumeysiga ay ku jiraan oo kale taasina aysan dhici doonin.

[ca_audio url=”http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/10/Korneel-Maxamuud.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com