Caabudwaaq(AGGM)Howlgallo ay sameeyeen ciidamada amniga ee maamulka Gobolka Galgaduud ayaa deegaanka Balan bal ka soo qabtay dad si sharci darro ah uga ganacsanayay jarista dhirta oo ay ka sameynayeen dhuxul
Howlgalkaan ayaa ka dambeeyay kadib markii ay ciidamo gaar ah oo arrimahasi loo xilsaaray ay ka warheleen in ay jiraan shaqsiyaad ku howlanaa jarista dhirta oo ay ka sameynayeen dhuxul, gacanta lagu soo dhigay dad iyo labo gaari oo ay dhuxusha ku rarteen, waxaana dhuxushaasi lagu gubay bartamaha magaalada Balan bal, iyadoo xabsiga loo taxaabay dadkii howshaasi lagu soo qabtay.
Guddoomiye kuxigeenka degmada Balan bal Maxamuud Maxamed Cabdi oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in talaabada lagu soo qabtay dadka ku howlanaa jarista dhirta iyo ka ganacsiga dhuxusha ay ka dambeysay kadib amar uu maamulka ka soo saaray oo ah in aan laga ganacsan Karin jarista dhuxusha.
“Waxaa naga go’an in aan ka hortagno xaalufinta deegaanka, taasna amar ayaan mar hore ka soo saarnay, marka hadda way xiranyihiin dadkii ka ganacsanayay iyo kuwii watay labada baabuur, ayna sii wadayaan howlgallada looga hortagayo xaalufinta dhirta iyo jaristooda” ayuu hadalkiisa ku daray guddoomiye kuxigeenku.
Maxamuud Maxamed Cabdi ayaa digniin u diray dadka sida dhuumaaleysiga u jaranaya dhirta ee ka dhiganaya dhuxusha, isagoo intaa ku daray in ay jiraan dad sidaan oo kale loogu soo qabtay howlgallo la sameeyay, laguna xakumay lacago aad u fara badan.
Deegaanka Balan bal ee ka tirsan gobolka galgaduud ayaa waxaa maalmahaan dambe ku soo badanayay dad si dhuumaaleysi ah u jaraya dhirta kuwaasi oo doonaya in ay ka sameeyaan dhuxul oo ay kaga ganacsanayaan.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com