Maamulka Bare Hiiraale ” Ma Jiiraan Ciidamo ONLF & Raskamboni Naga Qabsan Karaan,Axmed Madoobena Waxba Ma Diidi Karo Mana Yeeli Karro”

0

Barre-AdanKismaayo(AGGM) Maamulka Jubbaland ee uu madaxweynaha ka yahay Mudane Bare Aadan Shire ” Hiiraale” Ayaa shaaca ka qaaday warar maalmahan saxafada taageertaa ay qoreysay isla markaasna ku saabsana in ciidamo ka tirsan ciidamada Maamulka Jubbaland ee ku sugan duleedka Kismaayo ciidamo laga soo qabtey ka dib dagaal halkaasi ka dhacay.

Afhayeenka Maamulka Jubbaland Xasan Qaasim oo ka hadlay arrimahaasi ayaa shaaciyey inaysan jirin ciidamo maamulkooda laga qabsaday,waxaana uu shaaciyey in ciidamadoodu yihiin ciidamo awood u leh inay dhegaha ka jafaan maleeshiyaadka Raaskambooni iyo ONLF waxana u shaaciyey in dagaalkaasi ay ciidamadoodu ku awood roonayeen isla markasna dib ugu celiyeen Magaalada Kismaayo oo ay ka soo duuleen.

Sidoo kale waxaa uu shaaciyey in Ciidamadii dhawaan ay ku soo bandhigeen Magaalada Kismayo ay ahayeen koox ka tirsan Maleeshiyaadka Raaskambooni isla markaasna lagu jaah wareerinayey Shacabka Gobollada Jubooyinka,waxaana uu sheegay in warkaasi uu yahay mid been abuur ah isla markaasna dadka tageera Maleeshiyaadka Raaskambooni iyo ONLF niyadda loogu dhisayey.

Sidoo kale waxaa uu shaaca ka qaaday in Shirka Xamar ay tagayaan isla markaasna ay matelaan shacabka Soomaaliyeed ee ka soo jeeda Gobolada Jubooyinka oo ayna xaqooda u raadinayaan isla markaasna ka dul qaadayaan gumeystaha haysta,waxaana uu shaaciyey in shirkaasi yahay mid looga dan leeyahay in nabad loogu helo shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobollada Jubooyinka.

Dhinaca kale waxaa uu ka hadlay  Diidmada Maleeshiyaadka Raaskambooni ee shirka Muqdisho,waxaana uu ku tilmaamay inaysan lahayn go,aan ay ku tagaan isla markaasna aysan waxba didi karin waxna yeeli karin oo ay maamulaan Ciidamada Dawlada Kiiniya oo amar ku siiya hadba wixi dani ugu jirto ciidamadooda,waxaana uu shaaciyey inuusan Axmed Madoobe lahayn Go,aan u gaar ah balse Saraakisha Kiiniya go,aanku ka go,o.

Ugu dambeyntii Waxaa hadalkan ku soo beegmayaa xilli ay dhawaan Maleeshiyaadka Raaskambooni saxafada u soo bandhigeen kooxo iyaga ka tirsan isla markaasna lagu jaahwareerinayey Kooxaha tageera Maleeshiyaadka Raaskambooni Iyo ONLF kuwaasi oo dhaqaale uga soo aruuriya dalalka dibedda ah.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com