Muqdisho(AGGM)Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ka warbixisay qorshaha iyo hormarinta adeegyada Bankiga Dhexe ee Soomaaliya.
Marwo Yusra Baraar oo ah gudoomiyaha cusub Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay si weyn usoo dhaweeysay xilka loo magacaabay iyadoo sheegtay iney dardar gelindoonto howlaha shaqo ee Bankiga.
“Mas’uuliyad weyn weeyaan xilka la ii magacaabay in badanbaan aduunka kalan ka shaqeynayay oon hey’ado farabadan uga shaqeeyay marka inan wax u qabta wadankeyga wey wanaagsantahay sidaasi darteed ayaan u aqbalay shaqada’’ Ayeey tiri Marwo Yusro.
Marwo Yusro oo hadalkeeda sii wadata ayaa wax ka xustay howlaha Bankiga iyadoo tilmaantay in Bankiga uu bixiyo mushaarka iyo waxa ay u baahantahay dowlada, sidoo kale waxa ay hoosta ka xariiqday in Bankigu uu maamulo baananka dalka. Iyo inuu wadanka u dhiso siyaasadii dhaqaalaha.
Yusra ayaa xustay in ay dardargelindoonto howlaha Bankiga islamarkaana ay gaarsiindoonto heerkii loo baahnaa, iyadoo hoosta ka xariiqday in shaqaalaha Bankigu yihiin kuwo aad u wanaagsan, iyadoo rajo wanaagsan ka muujisay iney ula shaqeyndoonaan si howlkarnimo leh.
Isha Ku Hay Allgagladuud
Allgalgaduud@gmail.com