War Deg Deg Ah: R/wasaaraha Liibiya Oo Rag Hubeeysan Ka Afduubteen Hotelka Uu Daganaa.

0

ali zeidanTripoli (AGGM):  Wararka ka imaanaya caasimada dalka Liibiya ee Tripoli ayaa wxaa ay sheegayaan in rag Hubeeysan ay gudaha u galeen Hotelka uu daganaa R/wasaaraha Ali Zeidan ka dibna ka kaxeeysteen goobtaasi.

R/wasaare Ali Zeidan ayaa waxaa lala afduubay laba ka mid ahaa ilaaladiisa gaarka ah.

Ilaa hadda waxaan la ogeeyn cida ay yihiin raggan hubeeysan iyo ujeedka afduubka ay ugu geeysteen R/wasaare Ali Zeidan, balse waxaa la tuhmayaa  inay afduubka R/wasaaraha ka dambeeyaan ururo diimeedka mayalka adag ee taageera Al Qaeda oo aad uga carooday markii mid ka mid ahaa kooxdooda ay dhawaan ciidamada Mareykanka ka qabteen gudaha magaalada Tripoli.

Shalay ayay ahayd marki uu R/wasaare Ali Zeidan dowalddaha reer galbeedka ka in laga caawiyo dalka Liibiya kooxaha burcada ah ee ka ganacsada Hubka iyo maleeshiyaadka xad dhaafka ah ee ka jira gudaha dalka Liibiya.

Isku soo wada duuboo waxaan la ogeeyn halka ay ku dambeeyn doonto xaalada R/wasaare  Ali Zeidan iyo kooxaha afduubay.

Waxii ka soo kordha warkan kala soco Allgalgaduud Media.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com