Ciidamada Xooga Dalka Oo La Wareegay Deegaanka Qansax-oomane Ee Gobolka Baay.

0

ciidamadaKismaayo123-650x4331Baydhabo (AGGM): Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya ayaa shalay la wareegay gacan ku haynta  tuulada Qansax-Oomane oo 23 KM dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Berdaale ee gobolka Baay.

Guddoomiyaha magaalada  Bardaale Maxamed Isaaq ayaa Warbaahinta u sheegay in ciidamada dowladda saakay weerar ay ku qaadeen tuulada Qansax-Oomane ugu suurta gashay inay ka saaraan maleeshiyada Al-shabaab oo horray saldhig ugu laheyd.

Wuxuu xusay inay khasaare gaarsiiyeen Al-shabaab, isla markaana maleeshiyadkii ku laga saaray tuulada ay u carrareen dhanka hawdka.

Guddoomiyaha  ayaa intaas ku daray in weerarka ay ku qaadeen tuuladan uu qeyb ka yahay qorshe ay uga saarayaan maleeshiyada Al-shabaab dhammaan deegaannada ay weli kaga sugan tahay Alshabaab ee gobolka Baay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com