Muqdisho (AGGM): Wararka ka imaanaya magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in ay horjoogeyaasha falaagada Al-Shabaab xirteen saddex ka tirsan maleeshiyadeeda oo ay ku eedeeysay inay xog ku caawiyeen ciidamada Mareykanka ee Sabtidii hore weeraray Baraawe.
Mid ka mid ah saddexda maleeshiyo ayay ku sheegtay inuu aad u isticmaali jiray internet-ka, taasoo keentay in ay Al-Shabaab uga shakiso inuu macluumaad u gudbinayay ciidanka Mareykanka ee weerarka fuliyay.
Maleeshiyada falaagada Al-Shabaab ayaa sidoo kale baaritaan ka wadda xaafadaha Baraawe, tan iyo weerarkii lagu dilay horjoogayaal sarsare oo ka tirsanaa maleeshiyada.
Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Mareykanka ayaa weerar subixii Sabtida ay ku qaadeen Baraawe ku sheegay inay ku doonayeen inay kusoo qabtaan Cabduqaadir Maxamed Cabdiqaadir oo Kenyan ah, balse asalkiisa Soomaali ah oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay weerarradii safaaradaha Mareykanka ee Nairobi iyo Daarusalaam ee sanadkii 1998-kii.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com