Freetown (AGGM): Dowladda dalka Sierra Leone ayaa shaaca ka qaaday in ay adkeyneyso ama xoojineyso ammniga dalkeeda guud ahaan caasimada dalka ee Freetown kadib weerarkii dadka bada ay ku dhinteen ee lagu qaaday dhismaha Westagte ee magaalada Nairobi.
Afhayeen u hadllay wasaarrada difaaca dowladda Sierra Leone oo lagu magacaabo Abdulai Bayraytay ayaa sheegay in la qaaday tallaabooyin taxadar leh oo la xiriira sugidda amniga xuduudaha, cirka iyo badda iyo waliba magaalada caasimadda ee Freetown.
Qorshahan dowladda Sierra Leone ay ku adkeyneyso ammniga dalkeeda ayaa waxaa uu ka danbeeyay weerarkii weerar lagu qaaday xarunta ganacsiga ee Westgate ee magaalada Nairobi halkaas oo lagu dilay 67 qof oo rayid ah, waxaana masuu liyadda weerarkaas sheegtay kooxda Al-Shabaab.
Dowladda Sierra Leone waxaa ay ka mid tahay dowladdaha ay ciidamada ka joogaan dalka Soomaaliya, gaar ahaan ciidamada dalkaas ayaa ka howlgal gobollada Jubbooyinka oo ay ku wada sugan yihiin iyaga iyo ciidamada Kenya.
Falaagada Al-shabaab ayaa horay ugu hanjabay in ay weerari doonaan dhamaan dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com