Daawo Sawirada: Al Fanaan Xuseen Shire Iyo Kooxda Qeylodhaan Oo Xalay Ruxay Magaalada Muqdisho.

0

joo22Muqdisho (AGGM): Bandhig faneed ay ka qeyb galeen Wasiiro, Xildhibaano, saraakiil iyo dadweyne ayaa xalay Kooxda Qeylo Dhaan ay ku qabteen magaalada Muqdisho, gaar ahaan Hotelka City Palace, iyadoo bandhigan uu heeso uu ka qaaday Fanaanka Xuseen Shire Jaamac oo dhowaan dalka dib ugu soo laabtay.

Halku dhiga Bandhig faneedkan ayaa ahaa Qeylo dhaan iyo habeenkii Muqdisho, waxaana hadalo ka jeediyay Wasiiro ka tirsan Xukuumada, Xildhibaano iyo Maamulka Gobolka Banaadir, kuwaasoo bogaadinayay dib u soo nooleynta fanka.

Fanaanka Xuseen Shire Jaamac (Ciyaar Jecel) oo xirnaa dareyska Milateriga ayaa heeso wadaniyad leh ku luuqeynayay, waxaana heesaha uu qaaday ka mid ahaa hees loogu magac daray dilkii Majaajiliistihii caanka ahaa Marshaale oo sanadkii 2012 lagu dilay Muqdisho.

Abwaan Cabdi Shire Jaamac oo ah Gudoomiyaha Kooxda Qeyla Dhaan ayaa sheegay in mar dhow ay Muqdisho keeni doonaan dhamaan fanaaniinta Kooxda oo dhan, isla markaana aanay hal ka maqneyn, si bandhig faneed ballaaran ugu qabtaan Muqdisho.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Tarsan ayaa sheegay in bandhigan uu muujinayo in nabadii ay ku soo laabatay Muqdisho, isagoo ku baaqay in bulshada ay u midowdo sidii ay isaga dhicin laheyd waxa uu ugu yeeray cadaw.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa oo isna ka hadlay bandhiga ayaa sheegay in tani tahay tallaabo horumar leh, isla markaana muujinaya iftiinka ka muuqda caasimada, inay hormuud u yihiin Fanaaniinta.

Wasiir kuxigeenka Wasaarada warfaafinta C/shakuur Cali Mire ayaa soo dhoweeyay bandhig faneedyada ay fanaaniinta Soomaaliyeed ee dib ugu soo laabanaya ku qabanayaan Muqdisho, taasoo uu tilmaamay inay muujineyso astaan nabadeed, waxaana uu ugu baaqay shacabka inay laamaha ammaanka kala shaqeeyaan amniga.

Bandhig faneedkan ay qabteen kooxda Qeyla Dhaan ayaa ka mid noqonaya bandhig faneedyo ay fanaaniinta dalka dib ugu soo laabanaya mudooyinkii u dambeeyay ku qabanayeen Caasimada Muqdisho.

joo20 joo25 joo24 joo23 joo22 joo21 joo19 joo18 joo17 joo16 joo26 joo14 joo15 joo4 joo3 joo2 joo5 joo7 joo8 joo6 joo joo1 joo10 joo9 joo11 joo13 joo27 joo12

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com