Baled Xaawo (AGGM): Xubno ka tirsan maamulka Ahlu Sunna ee gobolka Gado ayaa mas’uuliyiin ka tirsan maamulka dowladda ee gobolka Gedo ku eedeeyay in ay ka danbeeyeen qarax ka dhacay degmada Beled-xaawo oo ay ku dhinteen labo sarkaal oo ka tirsaa maamulka Ahlu Sunna.
Sheekh Isxaaq Xusseen Mursal oo ah xoga-hayaha Ahlu Sunna ee gobollada koonfurta Soomaaliya oo warbaahinta la hadllayay ayaa sheegay in ay ka war hayaan shaqsiyadkii mas’uulka ka ahaa qaraxii ka dhacay degmada Bele-xaawo, kaasoo lagu dillay labo aarkaal oo ka tirsanaa Ahlu Sunna Waljamaaca.
Sheekh Isxaaq ayaa intaa ku darray in aysan weerarka ka danbeyn Al-shabaab,laakiin ay qaraxaasi fuliyeen rag ka tirsan mas’uulka gobolka Gedo, waxaana si gaara farta ugu fiiqay gudoomiyaasha degmooyinka Luuq iyo Doolow ee gobolkaas oo uu si cad ugu eedeeyey iney xiriir la leeyihiin Al-shabaab.
Waxaa uu ugu baaqay dowladda Soomaaliya in ay talaabo ka qaado dadka dhibaatada ku haya xoogagga u dagallama sidii looga adkaan lahaa kooxaha argagixisada, si gaar ah waxaa u farta ugu fiiqay guddoomiyaha degmada Luuq ee gobolka Gedo.
Laakiin saraakiisha dowladda ee gobolka Gedo ayaa ku eedeeyay weerarka qaraxa kooxda Al-shabaab, oo inta badan weerarada noocaas oo kale ah lagu eedeeyo.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com