Wasiirka Gaashaandhiga Oo Sheegay In Ay Soo Gabagabeeyeen Qorshihii Lugula Wareegi Lahaa Deegaannada Ku Jira Gacanta Al Shabaab.

0

FiqiMuqdisho (AGGM): Dowladda federaalka Soomaaliya  oo sheegtay in uu soo idlaaday qorshe sida ay hadalka u dhigtay lagula wareegayo deegaannada bartamaha iyo koonfurta dalka Soomaaliya ee gacanta ugu jira Al-shabaab.

Wasiirrka wasaarrada gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya C/xakiin Xaaji Max’uud Fiqi ayaa sheegay in wasaarradu qorsheyneyso sidii ay ula wareegi laheyn, deegaannada ay maamulaan ama gacanta ku hayaan xoogaga Al-shabaab.

“Wasaarradu waxaa ay diyaarisay qorshihii lagula wareegi lahaa deegaannada ay maamulaan kooxaha argagixisada Al-shabaab, dhaawanna qorshaha dowladda waxaa uu yahay in ay la wareegto deegaannadaas,” ayuu yiri wasiirrka.

C/xakiin Xaaji Max’uud Fiqi ayaa intaa ku darray in dowladda ay ka go’an tahay inay kala hortagto dagaal adag, isagoo sheegay in kooxdan oo uu ku sheegay arga-gaxiso ay dhibaato weyn ku hayso Soomaaliya, dalalka gobolka iyo weliba ku caalamka.

Xoogagga Al-shabaab ayaa xiligan gacanta ku haya oo maamula deegaannno ka tirsan koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya, iyadoo labadii sano ee lasoo dhaafay ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ka qabsadeen deegaanno fara badan oo ay horay uga talin jirtay.

Isku soo wada duuboo Wasiirrka ma’uusan sheegin xili waqti rasmi ah oo ay qorshahaas fulin doonan, iyadoo hadalka uu ku soo beegmayo xilli ciidamada gaarka ah ee Mareykanka ay toddobaadkan billowgiisii weerareen gur ku yaalla xeebta degmada Baraawe oo ah saldhigga ugu weyn Al-shabaab ee xilligan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com