Maxamed Amiin Cabdullaahi Oo Sheegay In Shirka Arrimaha Jubbooyinka Aanu Ka Dhici Karin Magaalada Kismaayo.

0

maxamed-aamiinMuqdisho (AGGM): Maxamed Amiin Cabdullaahi Cismaan oo ka mid ah Siyaasiyiinta ka soo jeeda Goboladda Jubooyinka oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in  aanay suuragal aheyn in xilligaan uu shir dib u heshiisiin  ka dhaco Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose, isagoo taa ku micneeyey in qolo gaar ah ay gacanta ugu jirto Magaaladaasi.

Siyaasiga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaa ku daray in Magaaladda Kismaayo aan la isugu keeni Karin Beelihii ku dagaalamay balse Muqdisho gogol loogu fidin karo sida uu ahaa heshiiskii Addis abbaba, isagoo dhinaca kale ugu baaqay Axmed Madoode in uu yimaado Magaalada Muqdisho si Xal loo helo, isla markaana loo dhamaystiro heshiiskii Adis Ababa.

Dhinaca kale Nabadoon Xuseen Xasan Naaleeye oo ka mid ah Waxgaradka Gobollada Jubooyinka ayaa waxa uu DF ku eedeeyey in ay masuul ka tahay dhibaatooyinka ka dhaca Magaaladda Kismaayo, isagoo sabab uga dhigay arrintaasi in Dadkii Magaaladaasi dadka ku dhibaateyn jiray iyaga Masuul looga dhigay Gobolkaasi

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com