Feysal Cali Waraabe Oo Sheegay In Uu Wal-wal Badan Ka Qabo Jiritaanka Soomaaliland.

0

faysal cali waraabeHargeysa (AGGM): Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee UCID Feysal Cali Waraabe ayaa wal wal ka muujiyay nabad-galyada iyo jiritaanka Soomaaliland, isagoo ku eedeeyay  madaxweyne Siilaanyo  aysan tallada gacantiisa ku jirin.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dad aan la soo dooran ay talada maamulka gacanta ugu jiraan, taasoo uu tilmaamay inay keentay in musuq maasuqi uu sii baaho, dimoqraadiyadii ay mugsi sii gasho.

“Walwal badan ayaa ka qabaa jirintaanka Soomaaliland ee xiligan, madaxweynihii aan doornay talada gacantiisa waa ay ka wareegtay oo dad aan la soo dooran ay meesha iska maamulanaya, runtii Siilaanyo waa siyaasi rug cadaa aha, ma aqaan meesha ay wax ka qaldan yihiin”ayuu yiri Feysal Cali Waraabe.

Maamulka Somaliland ayaa muddo 20-sano raadinaya aqoonsi, tan iyo markii 1991-dii ay ku dhawaaqeen inay yihiin dal ka go’ay Soomaali inteeda kale, inkastoo wali wada hadalo ay u socdaan iyaga iyo dowladda Soomaaliya.

Waxaa uu ugu baaqay Feysal Cali Waraabe shacabka reer Soomaaliland in ay badbaadiyaan Qaranka, madaama siyaasada maamulka majaraha u qabteen shaqsiyaad aan marnaba dan ka laheyn jirintaanka iyo nabad-galyada Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com