Falaagada Argagixisada Ah Ee Al-Shabaab Oo Dad Ku Afduubtay Gobolka Jubbada Dhexe.

0

SOMALIA MILITIABu’aale (AGGM): Wararka ka imanaya gobolka Jubbada dhexe ayaa sheegaya in falaagada Al-Shabaab ay xalay dad ku afduubtay degmooyin ka tirsan gobolkaas.

Nin magaciisa lagu soo koobay Barawaani oo kamid ah shaqaalaha urur samafal oo waddani ah ayaa gurigiisa oo ku yaalla magaalada Bu’aale waxa ka afduubtay maleeshiyada Shabaab, sida uu Bar-kulan u xaqiijiyey goob-jooge codsaday inaan la magacaabin.

Degmada Jilib ee isla Jubbada dhexe ayay falaagada Al-Shabaab iyadana ka afduubteen nin ay ku eedaysay inuu xiriir la’leeyahay maamulka Jubba, sida ay xaqiijinayaan dad goob-joog ahaa xilligii uu falku dhacayey.

Falaagada Al-Shabaab ayaa deegaannada ay ka taliso ka qabqabato dad ay ku eedeyso in ay ka soo horjeedaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com