Muqdisho (AGGM): Guddoomiyaha gobolka Gedo Mudane Maxamed Cabdi Kaliil ayaa maanta kulan kula qaatay magaalada Muqdisho gudiga beesha Sade ee gobolka Banaadir, waxaana ay ka wada hadleen arimo badan oo ku saabsan xaalada gobolada ay beeshu dagto iyo siyaasadaha dalka gaar ahaan kuwa Jubbooyinka.
Maxamed Cabdi Kaliil oo furitaankii kulanka ka hadlay ayaa ku ammaanay gudiga beesha sade ee gobolka Banaadir howsha wanaagsan ee ay hayaan ,isagoona tilmaamay gudigani inuu waxbadan ka qabtay xaaladaha beesha ee gobolka Banaadir.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale ku baraarujiyay gudiga dhinacyada kale ee Siyaasiyiinta beesha inay la kulmaan isla markaana ay ka wada hadlaan sida ugu haboon ee dalka loo horumarin karo gaar ahaan deeganada ay beeshu dagto.
Wuxuu sidoo kale Guddoomiyaha gobolka Gedo Mudane Maxamed Cabdi Kaliil warbixin dheer ka siiyay gudiga xaalada gobolka Gedo iyo sidoo kale shirar kale oo uu uga qayb galay dalka Biljamka.
Ex Xildhibaan Maxamuud Sayid Aadan ahna La-taliyaha Ra’iisul Wasaaraha ee arimaha gobolada Koonfur galbeed Soomaaliya oo isna kulanka hadal ka jeediyay ayaa ku dheeraaday sida loogu baahanyahay inay beesha sade yeelato Hoggaan midaysan iyadoona qaar kamid ah dadkii kulanka kasoo qayb galay ay su’aalo ku saabsan arimaha Siyaasada gaar ahaan maamul u samaynta gobolada dalka ay wax ka waydiiyeen.
Guddoomiyaha gudiga Beesha Sade ee gobolka Banaadir Sheekh Cabdi Haraari oo isna hadal dhinacyo badan taabanaya ka jeediyay kulanka ayaa hoosta ka xariiqay inay soo mareen marxalado adag oo kamid ahayd dagaaladii ka dhacay magaalada Kismaayo oo qaar kamid ah dhaawacyadii dadkii ku waxyeeloobay magaalada Muqdisho la keenay kuwaasoo masuuliyadoodu ay korka ka fuushay isla markaana aysan dowladdu wax muuqda kala qaban.
Sheekh Cabdi Haraari ayaa ku dhaliilay Xubnaha xildhibaanada Beesha Sade ee ku jira dowladda federaalka Soomaaliya wax qabad la’aan isagoona xusay inaysan ka helin wax wada shaqayn ah intooda badan.
Haraari ayaa tibaaxay dhawaan inay bilaabi doonaan Quran ay akhrisanayso beesha Sade iyadoona dhaqaalihii ugu horeeyay ee quraankaasi lagu bilaabayo uu madasha uga dhawaaqa Gudoomiyaha gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil.
Dhanka kale Kulankii maanta ayaa lagu dhaliilay qaar ka tirsan Xubnaha barlamanka Soomaaliya ugu jira Beesha Sade kuwaasoo la sheegay inay Hormuud u yihiin mooshin la sheegay baryihii ugu danbeeyay inay wadeen Xildhibaano ka tirsan baarlamanka Federaalka Soomaaliya kuwaasoo doonayay inay ku ridaan Xukuumadda uu Hogaamiyo Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid)
Kulanka markii uu soo dhamaaday ayaa waxaa ka waraysi la yeelanay Xildhibaan Maxamuud Sayid Aadan kaasoo faah faahin ka bixiyay waxyaabihii ay labada dhinac isla soo qaadeen.
“Sida aad arkaysay waxaan la kulanay gudiga beesha sade ugu magacaaban gobolka banaadir kasoo la dhisay sanadkii hore gudigaan oo iskugu jira siyaasiyiin, aqoonyahano iyo gabdhaba, waxaana kala hadlaynay maadaama aan in mudo ah joognay xamar haddana aan go’aan sanay wafdigeenii Gedo ka yimid inaan dib u laabano si howlihii aan halkaasi ka wadnay mudada ku siman Afarta sano iyo badhka dib u bilowno. Waxaana gudiga kula balanay inay kasoo qayb galaan shir wadatashi ah oo beesha loogu qaban doono Gedo iyaguna isku xirnaadaan iyagoo kaashanaya Xildhibaanada iyo Xukuumadda iyo cid walba oo qayb ka qaadan karta midnimada iyo waxqabadka ummada Soomaaliyeed” ayuu yiri Xildhibaan Maxamuud Sayid Aadan.
Kulanka ay manta ku yeesheen magaalada Muqdisho Masuuliyiinta maamulka gobolla Gedo iyo gudiga Beesha sade ee gobolka Banaadir ayaa qayb ka noqonaya kulamo isdaba joog ah oo maalmihii lasoo dhaafay uu Guddoomiyaha gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil la qaadanayay Qaybaha kala duwan ee kasoo jeeda gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.
[ca_audio url=”http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/10/Maxamuud-Sayid-Aadan1.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]
Axmednuur Maxamed,
Axmednuur59@gmail.com
Muqdisho, Soomaaliya
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com